Wararka Soomaalida

Xarun muhiim ah oo dowladda gacanteeda soo gashay+sawiro

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiyey xaruntii Taleefonnada casriga ah ee ku taala degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho ka dib markii laga saaray ciddii haysatay xaruntaas. Xarunta Taleefonnada casriga ah ayaa waxay ka mid ahayd xarumihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka maamulaysay Taleefoonada casriga ah ee ay soo saaraan […]

Published

on

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiyey xaruntii Taleefonnada casriga ah ee ku taala degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho ka dib markii laga saaray ciddii haysatay xaruntaas.

Xarunta Taleefonnada casriga ah ayaa waxay ka mid ahayd xarumihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka maamulaysay Taleefoonada casriga ah ee ay soo saaraan wadamada hurumaray iyadoo halkaas lagu keedin jiray haddba noocii Taleefon ee soo baxa iyo kuwa qadiimka ah ama gaboobay.

Xarunta Taleefonnada casriga ah ee 29 sano ka dib dowladda Soomaaliya maanta gacanteeda dib ugu soo laabatay ayaa waxaa dhistay dowladda Japan daba yaaqadii 1980kii islamarkaana qalabaysay xaruntan.

Xarunta Taleefonnada casriga ah oo muddo dheer ay ku noolaayeen qoysas Soomaaliyeed ayaa wadahadal dheer ka dib maanta laga saaray waxaana lagu wareejiyey wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Teknolijiyada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaraddaas Cabdi Canshuur Xasan oo ka mid ahaan madaxdii maanta booqatay xaruntan ayaa umahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna sheegay Wasiir Canshuur in dib udayactir lagu samaynayo xarunta.

Xarunta Taleefonnada casriga ah ayaa waxay ka mid tahay xarumaha ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version