Wararka Soomaalida
Xarunta Xalane oo loo diiday inay galaan shaqaalaha Soomaalida ah
Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya xerada Xalane ee Taliska guud ee Ciidamada AMISOM ayaa maanta loo diiday inay galaan xarunta ka dib markii amar uu ka soo baxay Saraakiisha AMISOM loogu diidey in shaqooyinkooda ay qabsadaan. Sababta ka dambeysa xayiraadan lagu soo rogay shaqaalaha Soomaalida ah ee ka howlgalayey xerada AMISOM ee Xalane ayaa […]
Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya xerada Xalane ee Taliska guud ee Ciidamada AMISOM ayaa maanta loo diiday inay galaan xarunta ka dib markii amar uu ka soo baxay Saraakiisha AMISOM loogu diidey in shaqooyinkooda ay qabsadaan.
Sababta ka dambeysa xayiraadan lagu soo rogay shaqaalaha Soomaalida ah ee ka howlgalayey xerada AMISOM ee Xalane ayaa waxaa lagu sheegay ka dib warbixintii dhawaan ka soo baxday QM ee ku saabsanaa Qaraxyo laga cabsi qabo in lagu weeraro xarumo badan oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Xarunta Xalane ayaa la sheegayaa in laga cabsi qabo in Al shabaab weerar ku soo qaadaan sidaas awgeed shaqaalahan lagu wargeliyey in ilaa amar dambe fasax yihiin.