Wararka Soomaalida
Xasan Cali Khayre oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Sheekh Kenyaawi Daawo Sawirada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey kuna qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali oo loo yaqaano (Sheekh Kenyaawi) oo isbuucyadaanba Barnaamijyo Wacyi gelin ah ka waday Magaalada Muqdisho. Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdisho ka waday Wacyi gelinta iyo fahamka Diinta iyo shareecada […]
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey kuna qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali oo loo yaqaano (Sheekh Kenyaawi) oo isbuucyadaanba Barnaamijyo Wacyi gelin ah ka waday Magaalada Muqdisho.
Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdisho ka waday Wacyi gelinta iyo fahamka Diinta iyo shareecada islaamka sidii bulshada uga dhaqmi lahaayeen wuxuuna Cinwaan uga dhigay Baraarujinta bulshada Soomaaliyeed iska cafi walaalkaa inta aad nooshahay.
Sheekh Kenyaawi ayaa Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay in si daacadnimo iyo Alla kacabsi ku dheehantahay bulshada ay uga adeegaan maadaama hadda ayagu talada dalka gacanta ku hayaan.
Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa umahad celiyey Sheekhan Xafiiskiisa Ku soo booqday wuxuuna u sheegay barnaamijka Wacyi gelinta ah ee Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi uu ka bilaabay Muqdisho in uu sii laba jibaaro si bulshada Soomaaliyeed si dhab ah u fahmaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta Bulshada Soomaaliyeed bulshadana ay kagajiraan meel muhiim ah.
Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa uu yiri”Waxaan maanta xafiiskeyga igu soo booqday Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi oo kamid ah culumada Soomaaliyeed. Waxa aan uga mahad celiyay ololaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka. Waa barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno”ayuu hadalkiisa Ku soo xiray Ra’iisul Wasaaraha.