Wararka Soomaalida

Xasan Daahir oo Cabdiraxmaan ku tilmaamay inuu diinta ka baxay

Published

on

Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay hadalkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka jeediyay dalka Jarmalka ee uu kaga hadlay xuquuqda Dumarka iyo sida Soomaaliya loola dhaqmo dumarka.

Hadalka carada dhaliyay ee Cabdiraxmaan uu jeediyay ayaa wuxuu ahaa mar uu soo hadal qaaday Culimada Soomaaliya iyo xuquuqada Dumarka ayaa wuxuu sheegay in Culimada Soomaaliya dumarka Xuquuqdooda ku duudsiiyaan Axaadiis Faalso ah ama been ah iyo Kutubo been ah oo jeebka kala soo baxaan Culimada Soomaaliya.

Haddaba Xasan Daahir Aweys oo isaga oo ilmeeynaya soo duubay muuqaal soconaya 15 daqiiqo ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin Diinta islaamka ka baxay oo kufriyay.

“Cabdiraxmaanoow meeshii uu Salmaan Rushdi uu maray inaad marto ayaan rajeynayaa hadaadan ka soo noqon towbada ilaahey wuu aqbalaa ka soo noqo sida ay rag hore oo badana kugula taliyeen hadaadan ka soo noqon, oo aadan towbad keenin, ballan ilaahey waaye meeshii uu maray inaad marto oo aad aduunka meel aad gasho waydo,aniga waan ku aqaan meeshaad dhalaan ku aragto ayaad raacdaa wax kastana waa kuu Beec, dalku waa kuu Beec, dadku waa kuu Beec, diintuna waa kuu Beec” bad iyo barin wax aad dhaafeyso ma lahan, waan ogahay inaad dhihi doontaan maxaad ka rabtaa ninkaa aan isku qabiilka nahay walaahi aniga Xasankii igu xiray meesha aan ku jiro in aanan wax dhib ah u qabin laakiin midkaan diinta ku xad gudbay meel ayaan uga soo harayaa,TOLBEELAY maanta intaas ayaan karaa, intaas ayaan karaa”ayuu hadalkiisa ku soo xiray Xasan Daahir Aweys.

Hadalkan carada dhaliyay ee ka soo yeeray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa ka loo ka hadlay Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka mid ah Culimada Soomaliya wuxuuna ku tilmaamay mid gaalnimo cad ah hadalka Cabdiraxmaan diinta islaamka iyo Axaadiista rasuulkana ka been sheegay.

Trending

Exit mobile version