Wararka Soomaalida
Xasan iyo Shariif oo balan ka bax ku sameeyay Farmaajo(Akhriso)
Hogaamiyaasha madasha Xisbiya Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balantii ay la galeen Madaxweyne Farmaajo uga baxay ka dib shir Jaraa’id oo maanta ay ku qabteen Magaalada Muqdisho.
Xassn Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ka baxay balantii ay isku ogaayeen oofintooda.
Dhinacyadan ayaa 20-kii bishii November u balansanaa iney mar kale kulmaan si dib loogu eego fulinta qodobadii horey iskuugu raaceen iyo inay iskuraacaan samaynta qodobo horl eh oo cusub balse Madasha xisbiyada oo hadlay ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in danta Farmaajo ee wada-hadalladii hore ay ahayd kaliya hadaf siyaasadeed ee anay ahayn in xal la gaaro.
Madasha ayaa ku eedeeysay Madaxweyne Farmaajo inuu ka hor yimid bulshada inuu la wadaago qodobadii horey loogu heshiiyey, taasoo ay ku sifeeyeen iney ka dhigan tahay inuusan heshiiska wax xurmad ah u heynin.
Qodobadii heshiiska oo ay ka mid ahaayeen dhowrista xuquuqda hadalka iyo socodka muwaadinka ayey madashu sheegtay in dowladu ay jebisay iyagoo tusaale u soo qaatay in Xildhibaan Daleys Xasan Aadan loo diiday inay 25-kii November ka dhoofto garoonka Muqdisho.
Madasha oo taabatay Qodobka doorashooyinka ayaa waxay sheegtay in Farmaajo uu ku adkeysanayo hindise baal-marsan dastuurka dalka, wax ixtiraam ahna uusan u hayn dhinacyada kale ee ay khuseyso tallada dalka.
Qodobada lagu eedeynayo madaxweynaha ayaa waxaa kale oo ka mid ah inuu faro-gelin ku hayo doorashooyinka Galmudug uuna ka shaqeynayo in hogaanka loo doorto musharax horey loo calaamadeeyey.
Si wada-hadallada dib loogu faro Madashu waxay shuruud ka dhigtay inay qasab tahay in madaxweynaha uu shaaciyo qodobadii hore, lanja fuliyo