Wararka Soomaalida
Xasan Sheekh oo ka hadlay arimaha dib udhaca Kiiska badda
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si adag uga hadlay dib udhaca mararbadan lagu sameeyay Kiiska badda ee dacwada udhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo markii labaad dib loo dhigay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Kiiska badda ee marba marka ka sii dambaysa dib loo dhigayo iyadoo loo danaynayo codsigii Kenya ee ahaa in 12 bilood dib loogu dhigo iyadoo hadda dalabkeedii muddada labada jeer ah ee dib loo dhigay sidaas ku qaadatay Kenya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaki geliyay in arintan u eg tahay in Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ Kiiskan iskiiga baxayso haddii sidan ay wax ku sii socdaan taasina Soomaaliya dhibaato weyn ku noqonayso haddii ICJ ku dhawaaqdo inay gacan ka taagtay kana harayso Kiiska Badda ee labada dowladood.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa faray madaxda dowladda hadda talada dalka xukunta inay jawaab deg deg ah ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed waxa keena in Kiiska laba jeer dib loo dhigo waxa sabab ah iyadoo shacabka Soomalaliyeed si aan caadi ahayn u sugayaan go,aanka kama dambayska ah ee Kiiska Badda.
“Maxaa ku dhacay kiiska badda ee ICJ dadkeenu waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta iyo sida kiiskan dib loogu dhigay Mise talaabadan waxay ka tarjumaysaa wadada ka bixida dacwada badda ee maxkamada dowladeenu waa inay jawaab sax ah siisaa dadka Soomaaliyeed ee aadka u danaynaya jawaabaha maxkamadda”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii warkan uu soo dhigay bartiisa Twitter uu ku leeyahay.
Hadalkan ja soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ICJ dacwadii badda ee Soomaliya iyo Kenya dib udhigtay bishan Juun 8-12 keeda sanadka 2020-ka sidoo kale maxkmada ku dhawaaqday in mardambe dib loo dhigi doonin Kiiska Badda ee labada wadan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.