Wararka Soomaalida
Xiisad ka dhalatay Calanka Soomaaliya oo ka taagan Soomaaliland
Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostagta Degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii deegaankaas shacabka degan ay ka taageen Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyaga oo dajiyay calankii Maamulka Soomaaliland ee goobtaas ka taagnaa. Ciidamada oo ka war helay talaabadaas ay qaadeen reer Sanaag, gaar ahaan reer Ceerigaabo ayaa […]
Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostagta Degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii deegaankaas shacabka degan ay ka taageen Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyaga oo dajiyay calankii Maamulka Soomaaliland ee goobtaas ka taagnaa.
Ciidamada oo ka war helay talaabadaas ay qaadeen reer Sanaag, gaar ahaan reer Ceerigaabo ayaa ku baxay Deegaanka Damalle-Xagarre kadibna shacabkii ku amray in ay dajiyaan Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay saaraan dibna ugu celiyaan kan Maamulka Soomaaliland. Balse waxaa amarkooda ka hor yimid shacabka deegaanka Damalle-Xagarre.
Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa rasaas nool nool la dhacay shacabkii amar diidada ku sameeyay sida ay sheegayaan wararka halkaas nagasoo gaaraya waxaana rasaastaas ay fureen Ciidamada ku dhaawacmay qaar ka mid ah shacabka deegaanka Damalle-xagarre ee hoostaga Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Intaas ka dib ayaa la sheegay in shacabkii iyo Ciidankaas faraha islagaleen xaaladana aad uxumaatay iyadoo xaalka isu bedelay buuq iyo dhagax tuur.
Saraakiishii Ciidamadaas udiray deegaanka Damalle-xagarre ayaa naloo sheegay in markii dambe Ciidamadii ku amreen inay iskiiga soo tagaan deegaanka si khasaaro kan ka weyn uusan udhicin.
Deegaanka Damalle-xagarre ayaa hadda waxaa naloo xaqiijiyay inuu ka babanayo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya xiisadiina weli ay taagantahay.
Sidoo kale xiisada ka dhalatay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee maanta laga taagay deegaanka Damalle-xagarre ee hoostaga Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxay ka taagan tahay Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland sida ay inoo xaqiijiyeen Suxufiyiinta ka howlgala deegaanada Maamulka Soomaaliland.
Dhacdadan maanta ka dhacday deegaanka Damalle-xagarre ee hoostaga Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Snaag ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii dhawaan Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) oo ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Hargaysa Surwaal iyo Shaati leh midibka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ku soo labistay ka dibna Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay utaxaabeen Xabisi.
.
Deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa calanka Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu ka yahay mid dambi ah qofkii lagu arkana uu noqonayo dambiile Qaran xabsi iyo ciqaabna uu ku mutaysanayo