Wararka Soomaalida
Xiisadii Muuse iyo dowladda oo xal laga gaaray
Murankii dhuleed ee u dhexeeyey Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in laxaliyey ka dib markii Odayaal ay isku heeb yihiin Muuse Suudi Yalaxow arrinta waan waan ay ka galeen. Odayaasha ayaa la sheegay in markii hore ay la soo kulmeen Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ka dibna warbixintii ay ula […]
Murankii dhuleed ee u dhexeeyey Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in laxaliyey ka dib markii Odayaal ay isku heeb yihiin Muuse Suudi Yalaxow arrinta waan waan ay ka galeen.
Odayaasha ayaa la sheegay in markii hore ay la soo kulmeen Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ka dibna warbixintii ay ula tageen Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo arrintaasoo ahayd in xaalada la qaboojiyo oo hadda aan lagu deg degin guriga Mariino ee Muuse uu haysto.
Talada Odayaashaas ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu ka yeelay ka dibna Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay iska daayeen arrinta guriga intii dhiig farabadan uu ku daadan lahaa.
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa la sheegay in dukumiindi uu u haysto dhulkaas ee Ciidanka badda ay leeyihiin ka dib markii lagaga bedeshay Hubkii farahabadnaa ee Muuse Suudi Yalaxow uu lahaa,hubkaas oo iskuuga jiray noocyadiisa kala duwan.
Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya wuxuuna ahaa shaqsiga seddaxaad ee ugu hubka badnaa Hogaamiye kooxeesyadii Soomaaliya.
arinta kala bedelashada hubka iyo dhulkaas ayaa la sheegay in ay dhacday xiligii Dowladdii marxuum Cabdulaahi yuusuf Axmed ka dib narkii Hubkii Muuse uu ku wareejiyey dowladdaas ka dibna Digreeto Madaxweyne loogu saxiiyey in dhulkaas intii uu doono deganaankaro Muuse Suudi Yalaxow.
Muuse ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud uu ka hasto Saxiix Madaxweyne ilaa amar dambe laga hadli karin dhulka Mariino.