Wararka Soomaalida
Xildhibaan Afaraale oo Ergadii soo dooratay Al shabaab uyeeray
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ergadii asaga soo doortay ay uyeereen Al shabaab ka dib markii lagu wargeliyay Ergadiisa inay tagaan deegaanka iidaale ee udhaxeeya Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay sida uu sheegay Xildhibaan Afaraale. Xildhibaan Afaraale oo caawa lahadlay qaar ka mid […]
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ergadii asaga soo doortay ay uyeereen Al shabaab ka dib markii lagu wargeliyay Ergadiisa inay tagaan deegaanka iidaale ee udhaxeeya Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay sida uu sheegay Xildhibaan Afaraale.
Xildhibaan Afaraale oo caawa lahadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho xarumaha kuleh ayaa wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay umidoobaan la dagaalkanka Al shabaab ka dib markii iidaale loogu yeeray 51 Ergo ee asaga soo doortay xataa dadka loo yeeray uu ka mid yahay Ugaaskiisa.
“Runtii Al shabaab heer waxay marayaan Ergooyinkii nasoo doortay ay uyeeraan aniga hadda idinla hadlaya Ergadii xilkan ii soo doortay waxaa loogu yeeray iidaale caawa waxay ku sugan yihiin ilaahay unbaa og aniga ma,ogi waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in halmeel looga soo wada jeesto kooxdan jid iyo jahadiidka ah ee umadda dhibaatada ku haya,Madaxda sare waxaan ugu baaqayaa inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo Al shabaab dalka looga xoraynayo”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale.
Hadalka Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya qaarkood lagu dilay Magaalooyinka Muqdisho,Gaalkacyo, Boosaaso iyo Beledweyne iyadoo mas,uuliyadda dilalkaas ay dhabarka uriteen Kooxda Al shabaab.