Wararka Soomaalida
Xildhibaan Al shabaabnimo lagu eedeeyey oo sheegay inuu dacwoonayo
Ka dib markii shalay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ay diideen in la qariyo sirta laamaha amniga Qaranka kuna dooday in sirta Qaranka lacadeeyo oo aan qarsoodi laga dhigin arintaas awgeedna uu baaqaday su,aal weydiintii Madaxda amniga ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre wuxuuna ku eedeeyey xubnaha ku doodaya in sirta […]
Ka dib markii shalay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ay diideen in la qariyo sirta laamaha amniga Qaranka kuna dooday in sirta Qaranka lacadeeyo oo aan qarsoodi laga dhigin arintaas awgeedna uu baaqaday su,aal weydiintii Madaxda amniga ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre wuxuuna ku eedeeyey xubnaha ku doodaya in sirta hay’adaha amniga la shaaciyo in Al shabaab wakiil ugu yihiin Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.
Xiligii Warkaas uu jeedinayey Wasiirka ayaa waxaa dhabarkiisa dambe soo istaagay hadal durniin ahna ku tuuray Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka mid ahaa xubnihii ku doodayey in xogta qarsoon ee laamaha amniga Qaranka la shaaciyo banaankana la soo dhigo.
Cabdulaahi Goodax Barre oo ka jawaabayey hadalkii durniinka ahaa ee Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku tilmaamay in Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed iyo inta kale ee ku rayiga ah ay yihiin wakiilo Al shabaab ah bulshada Soomaaliyeeedna ay ogaadaan.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka xumaaday in lagu tiimbareeyo argagixiso Al shabaab ah ayaa waxaa uu sheegay in Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ahna Xildhibaan Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre uu u gefay Maxkamadna uu la fuulayo hadalkaas eeda ahna uusan uqalmin asagoo Xildhibaan Qaran ah.
Xildhibaanada fowdadii shalay ka dambeeyey ayaa waxaa ka mid ahaa sida kulankaba laga sheegay.
1-X.Axmed Macalin Fiqi Taliyihii hore ee Hay’adda sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
2-X.Daahir Amiin Jeesow Sarkaal hore xiligii kacaanka darajada Ciidanimo ka gaaray Koranel.
3-X.Yuusuf Xuseen Axmed ee hadda dacwoonaya.
4-X.Mahad Salaad.
5-X.Faysal Cabdulle Guuleed
6-X.Canab Xasan Cilmi iyo Xildhibaano kale sida shaa-shadahaba laga Daa wanayey buuqii iyo fowdadii Baarlamanka.
Tirada xubnahaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan 21 Mudan.