Wararka Soomaalida

Cabdulaahi Awyare oo loo badinayo inuu noqdo ku xigeenka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ka baaraandegaya magacaabista Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas shaqsiga uu u magacaabi lahaa ku xigeenkiisa. Lafta Gareen oo dhowaan magacaabay qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada ayaa la sheegay in arrimo culayskooda leh oo jira awgeed muddo labo bilood ah uu dib udhigay magacaabista Madaxweyne ku […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ka baaraandegaya magacaabista Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas shaqsiga uu u magacaabi lahaa ku xigeenkiisa.

Lafta Gareen oo dhowaan magacaabay qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada ayaa la sheegay in arrimo culayskooda leh oo jira awgeed muddo labo bilood ah uu dib udhigay magacaabista Madaxweyne ku xigeenka Maamka Koonfur Galbeed.

Xog si hoose uhelay Wargayska Tusmo Times Xafiiska Muqdisho kana helay xogtan Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Lafta Gareen laga yaabo in ku xigeenkiisa Koonfur Galbeed u magacaabi doono Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow (Awyare) oo ah Mudane ka tirsan Golaha Aqalka hoose ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow (Awyare) ayaa waxaa uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenada Xukuumadda Soomaaliya wuxuuna ka soo jeeda Gobolka shabeelada hoose iyadoo deegaan doorashadiisa ay tahay Gobolkaas.

Xildhibaankan ayaa waxaa la hadalhayaa in uu ka mid yahay Siyaasiyiinta sida dhow uga xiran saaxiibna la,ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Xildhibaankan lagu magacaabo Cabdulaahi Cumar Abshirow ee loo badinayo in loo magacaabo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Nabad iyo Nolol.

Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka sida weyn uga shaqaynayey in Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen loo doorto Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo arrintaasina ay u hirgashay dhamaan intii ku howlaneed Madaxtinimada Koonfur Galbeed ee Lafta Gareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version