Wararka Soomaalida

Xildhibaan Cawil Daad oo dacwo lagu soo oogay

Published

on

Xeer ilaalinta Maxkamada maamulka Puntland ayaa maanta warqad dacwo ah ka gudbisay Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ah Xildhibaankii ka careesiiyay Madaxmxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni xili uu waydiiyay Su,aal aad ugu caraysiisay Siciid Deni waxaana Xeer ilaalinta maxkamada ku soo eedeysay inuu dambi galay sida qoraalkeeda ku cadaysay Maxkamada.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay in marka hore xasaanada laga qaado Xildhibaanka ka dibna maxkamad la soo taago waxaana dacwadaasi loo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdi xakiim Dhoob Daarood.

Trending

Exit mobile version