Wararka Soomaalida

Xildhibaan Daleys oo loo diiday inay ka baxdo Muqdisho

Published

on

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulanka Golaha shacabka ka hor sheegtay in saaka laga hor istaagay safar ay ku tagi lahayd degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo oo deegaan doorashadeeda halkaas tahay.

Xildhibaan Daleys ayaa sheegatay sababta loogu diiday inay ka duusho Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho inay tahay ka dib amar ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya iyada laga xanibay inay ka dhoofto Muqdisho sidaas awgeed loo fasixi karin.

Haweenaydan Xildhibaanka ka ah Golaha shacabka Soomaaliya ee lagu magacaabo Daleys Xasan Aadan ayaa Gudoonka golaha shacabka ka codsatay in hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ay soo cadeeyaan sababta iyadoo Xildhibaan ah wax dambi ahna dadka iyo dalka ka gelin laga hor istaago inay aado shacabkeedii soo doortay ee kursigan umatasha.

“Waxaan fasax u geystay Guddoonka Baarlamanka maalintii shalay in aan muddo 10 cisho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane ka dib Tikit ayaan goostay waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo soo gal saaka ayaan tagay hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid oo kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA marka gudoomiye waxaan ka rabaa hay’adeena sharafta leh inay ii cadeeyaan dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin”ayay tiri Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.

Hasayeesheen arintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo xiisad siyaasadeed u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland siiba ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaq milatari iyo mid siyaasadeed intaba.

Trending

Exit mobile version