Wararka Soomaalida
Xildhibaan Dhakool oo warbaahinta lahadlay
Xildhibaan Maxamed Axmed (Dhakool) oo ka mid ah Baarlamanka Maamulka Soomaaliland bishii Soon 4 teediina xabsiga loo taxaabay ayaa maanta markii ugu horeysay la hadlay warbaahinta kadib markii shalay xoriyadiisa dib u helay mudoo labo bilood ah ka dib. Xildhibaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in habeenkii laga soo xiray gurigiisa loola dhaqmay si aan dowladnimo […]
Xildhibaan Maxamed Axmed (Dhakool) oo ka mid ah Baarlamanka Maamulka Soomaaliland bishii Soon 4 teediina xabsiga loo taxaabay ayaa maanta markii ugu horeysay la hadlay warbaahinta kadib markii shalay xoriyadiisa dib u helay mudoo labo bilood ah ka dib.
Xildhibaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in habeenkii laga soo xiray gurigiisa loola dhaqmay si aan dowladnimo aheyn oo baal-marsan sharciga, balse wuxuu xusay in intii xabsiga uu ku jirey loola dhaqmay si wanaagsan.
Xildhibaan Dhakool ayaa sidoo kale sheegay inaysan xiran Beel gaar ah ee balse ay xirteen shaqsiyaad uu tiradooda ku sheegay 7 Nin oo asaga necbaa ayna ka dambeeyeen xarigiisa.
“Umadda reer Somaliland iyo weliba deegaanadayda aan ka soo jeedo mid baa u sheegayaa, waxaan u sheegaya Aniga qabiil ima xiran, Isaaq ima xiran, Habar-awalna ima xiran, Sacad Muuse-na ima xiran, xarigeygaasi Todobo Nin oo awalba i nacbanayn baa sabab u ahaa xarigayga imikana meel kheyr leh ayuu Alle dhigi doona kiiskayga”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.
Ugu dambeyntiina Xildhibaankan ayaa wuxuu u mahad-celiyay dhamaan cid kasta oo ka xumaatay xarigiisa,kana qeyb qaadatay inuu dib u helo xoriyadiisa, isagoo si gaara ugu mahad celiyay siyasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Waxaa sidoo kalana uu sheegay xildhibaanku inuu cafiyay dadkii sida qaldan uga fal-celiyay xarigiisa, isagoo xusey in Eng Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa dadkii ka hadlay xaragiisa uusan cafis u baahneyn oo uu yahay nin waalan oo aan dambi lahayn.
Sababta loo xiray Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa waxay ahayd ka dib markii xuska 18 May uu ku tilmaamay mid qaldan.