Wararka Soomaalida
Xildhibaan Fiqi oo hal kudhig cajiib ah usameeyay kulanka Xaaf iyo R.Khayre
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa galabta kulan dheer ku qaatay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ka dib markii Ra’iisul wasaaraha uu ka codsaday Xaaf in shir gaar ah wada yeeshaan labadooda. ilaa iyo hadda ayaa waxaa wax xog ah laga helin kulankii dheeraa ee […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa galabta kulan dheer ku qaatay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ka dib markii Ra’iisul wasaaraha uu ka codsaday Xaaf in shir gaar ah wada yeeshaan labadooda.
ilaa iyo hadda ayaa waxaa wax xog ah laga helin kulankii dheeraa ee Godinlabe galabta ku dhaxmaray Xasan Cali Khayre iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf iyadoo markii kulankooda uu soo idlaadayna ku soo laabtay degmada Cadaado oo markii horaba ay ka tageen si arimaha ay ka wadahadlayaan cidna ogaanin.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xubnaha Golaha shacabka ee sida weyn udhaliilsan habka shaqo ee Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulankaas Godinlabe ku dhaxmaray Xaaf iyo Ra’iisul wasaaraha ka qoray qormo cajiib ah.
Xildhibaan Fiqi ayaa hal ku dhig cajiib ah usameeyay kulankaas wuxuuna ku tilmaamay kulankii Xafiis Duureedka Xaaf iyo Xasan Cali Khayre.
“Kulankii Xafiis-duureedka Madaxweynaha Galmudug iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo muddo sanad ku dhow ay suurtoobi waydey in lagu kulmo xafiisyada qurxoon ee Villa Somaliya balse duurka Godinlabe ka suurtagalay,Madaxdii luuq-luuq marow baratay, duurka in ay timaado laasiman waaye!” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii Maamulka Galmudug oo wadajir ah loo dhisi lahaa iyadoo dadka deegaanka ay u dhan yihiin waxaana dowladda Federaalka ay meesha ka saartay isku day markii hore la qabay oo ahaa in hal dhinac ay la xaajoodaan ka dib markii heshiis dhaxmaray dowladda dhexe iyo Ahlusunna.