Wararka Soomaalida

Xildhibaan Nacnac oo 24 saac uqabtay Safiirka Djabuuti ee Soomaaliland

Published

on

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo loo yaqaano Xildhibaan Nacnac kana mid ah Goliyaasha Baarlamaan ee Soomaaliland oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Hargaysa Soomaaliland ayaa 24 saac gudahood uqabtay inuu kaga baxo Soomaaliland Safiirka Jamhuuriyadda Djabuuti ufadhiya Soomaaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ka dib markii jawaab adag uu ka bixiyay hadalkii eeda ahaa ee uu ujeediyay Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalahanahay Mudane Ismaaciil Cumar Geele.

Safiirka Djabuuti ee Soomaaliland ufadhiya Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay hadalka ka soo yweray inuu yahay hadal uu yiri shaqsi caafimaadkiisa dhamaystirnayn ka dib eedo aan waxba ka jirin uu kala duldhacay Madaxweynaha Djabuuti sidoo kale Faysal uu yahay shaqsi loo soo adeegsaday isku dirka iyo iska horkeenka labada shacab ee Jabuuti iyo Soomaaliland taasina aanay uhirgalaynin Faysal Cali Waraabe sid uu wax urabo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo sidoo kale ka tirsan Xisbiga UCID ENG Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha ka yahay ayaa dhankiisa ku eedeeyay in Safiirka Jabuuti uu ugefay ENG Faysal Cali Waraabe sidaas awgeed amar ku bixinayo asagoo Xildhibaan ah in 24 Saac gudahood Safiirka kaga baxo Soomaaliland haddii kale talaabo adag ay ka qaadayaan Safiirka Djabuuti Xuseen Cumar Kawaaliye.

Xildhibaan Nacnac ayaa dhankiisa Eng Faysal Cali Waraabe ku taageeray eeda uu u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele sidoo kale Madaxweynahaas uu ku tilmaamay mid utaagan curyaaminta Soomaaliland sidoo kalana dadaal ugu jiro sidii Soomaaliland loogu soo celin lahaa Soomaali weyntii mar hore ay ka baxeen sida hadalka uu udhigay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.

Trending

Exit mobile version