Wararka Soomaalida
Xildhibaan Nigeria ah oo si kulul ugu hadlay Guinea iyo Soomaaliya
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Nigeria magaciisana uu yahay Xildhibaan Shehu Sani ayaa wuxuu si kulul ugu hadlay talaabadii uu qaaday Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ee ku aadan habmaamuuska Madaxweyninimo ee ay usameeyeen Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka dib markii dalkaas uu booqday casuumaadna ufidiyeen Madaxda dalka Guinea wuxuuna ku tilmaamay arinkaas […]
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Nigeria magaciisana uu yahay Xildhibaan Shehu Sani ayaa wuxuu si kulul ugu hadlay talaabadii uu qaaday Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ee ku aadan habmaamuuska Madaxweyninimo ee ay usameeyeen Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka dib markii dalkaas uu booqday casuumaadna ufidiyeen Madaxda dalka Guinea wuxuuna ku tilmaamay arinkaas Xildhibaanka mid ceeb iyo fadeexo ku ah dalka Guinea inay sidaas udhaqmaan Madaxda dalka Guinea.
Senator Shehu Sani ayaa sheegay in wadan Afrika ah uusan qaadi karin talaabo noocaan ah sida Maamulka Soomaaliland in lagu deg dego oo si fudad la,iskiiga aqoonsado wuxuuna sheegay in falalka noocaan ah ka imaanayo fadeexo iyo dhaawac weyn oo soo gaaro Qaranka Guinea.
Xildhibaankan oo soo hadal qaaday arimaha Maamulka Soomaaliland iyo siyaasad ahaan sida ay u arkaan ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya sidaana wali iyagu ay aaminsan yihiin in Soomaaliland qeyb ka mid ah Soomaaliya ay tahay sida uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Xildhibaan Shehu Sani ayaa sheegay in dalka Nigeria wali mowqifkooda uu yahay in Soomaaliya ay tahay wadan qura oo lakala goyn karin sina ukala tegi karin cidii hamisana ceeb mooye faa,iido kala kulmaynin.
Shehu Sani ayaa ugu dambayntii ugu baaqay Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde inuu raali gelin ka bixiyo gefkii ugaystay madaxbanaanida Soomaaliya haddii kale cawaaqib xumo weyn uu kala kulmayo Afrika inteeda kale.
Ugu dambayntii Xildhibaankan lagu magacaabo Shehu Sani ayaa sheegay in qalad weyn dalka Guinea ay ka galeen dalka Soomaaliya midnimadooda iyo Qaranimadooda faragilintaasna wax la aqbali karo aan ahayn.