Wararka Soomaalida
Xildhibaan Rashiid oo garaacay Xildhibaan Faadumo
Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doortay Wajeer ayaa u gacan qaaday oo garaacay Xildhinaan Faadumo Geedi oo iyadana laga soo doortay degmadda Wajeer kadib muran dhex maray labada Xildhibaan. Xildhibaan Faadumo Geedi iyo Xildhibaan Rashiid Amiin ayaa labaduba waxay ka tirsan yihiin Baarlamanka Kenya waxayna isku dagaaleen goobta la dhigto Gawaarida ee ilinka hore […]
Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doortay Wajeer ayaa u gacan qaaday oo garaacay Xildhinaan Faadumo Geedi oo iyadana laga soo doortay degmadda Wajeer kadib muran dhex maray labada Xildhibaan.
Xildhibaan Faadumo Geedi iyo Xildhibaan Rashiid Amiin ayaa labaduba waxay ka tirsan yihiin Baarlamanka Kenya waxayna isku dagaaleen goobta la dhigto Gawaarida ee ilinka hore ee xarunta Baarlamanka.
Sababta keentay in Xildhibaan Rashiid Amiin uu u gacan qaado Xildhibaan Faadumo Geedi oo Soomaali ay isla yihiin xubinimada Baarlaman ka sokow ayaan weli la ogeyn.
Faadumo Geedi oo ka tirsan Gudiga Dhaqaalaha Baarlamanka Kenya iyada iyo qaar ka mid ah Gudigaas booqasho ay ku tageen Wajeer ka dibna Xildhibaan Rashiid Amiin uu Su’aalay Xildhibaan Faadumo Geedi wixii ay ka soo qabteen Wajeer.
Gudiga dhaqaalaha Baarlamanka Kenya ee kormeerka ku tagay Wajeer ayaa waxaa la sheegay in ay Mashaariic ka soo hirgeliyeen Gaarisa,Mandheera iyo deegaano kale xili Wajeerna waxba loo qabanin iyada oo Xildhinaan Rashiid Amiin oo u gacan qaaday, jir dilna u geystay Xildhibaan Faadumo uu ku sugnaa Wajeer xiligii gudiga kormeerka ku marayeen halkaasi.
Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa u sheegtay Xildhibaan Rashiid Amiin in aysan waxaba ka soo qabanin deegaanka sidoo kale ku eedaysay Rashiid isaga naftiisa waajibaadkiisii loo doortay uu gabay ka dibna inta uu xanaaqay uu la dhacay feer, haraati iyo garaacitaan.
“Waxay ahayd qiyaatsii 10-kii subaxnimo waxaan la socday xildhibaan Gladys Wanga markii aan is aragnay Rashiid. Wuxuu I weydiiyey sababta aan wax lacag ah ugu qoondeyn dadka uu matalo. Waxaan ku iri adiga halkaas ayaad joogtay, maxaadan dadkaga u abaabulin, oo aysan usoo bandhigin kiis lagu qanci karo”ayay tiri Xildhibaan Faaduma Geedi.
Waxay intaas ku dartay “Wuxuu iigu yeeray nacas, kadibna wuu I garaacay. Waan naxay, waana aamini waayey, kadib mar kale ayuu ii gacan qaaday.
Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud oo qeebaha sare ee jirkeeda ka dibna waxay aaday dhaqtar iyadoo loo soo jaray warqadii rifeetada.