Wararka Soomaalida

Xildhibaan Rashiid oo uxiran ku dhowaad bil jirdilkii Xildhibaan Faadumo

Xabsi ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku jira muddo ku dhow bil Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Kenya qeybta Soomaalida Gobolka Waqooyi Beri ee dhulka Soomaalida degan tahay laga soo doortay ka dib markii 13 bishii hore ee Juun si xun ujirdilay Xildhibaan Faadumo Geedi oo […]

Published

on

Xabsi ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku jira muddo ku dhow bil Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Kenya qeybta Soomaalida Gobolka Waqooyi Beri ee dhulka Soomaalida degan tahay laga soo doortay ka dib markii 13 bishii hore ee Juun si xun ujirdilay Xildhibaan Faadumo Geedi oo isla Baarlamanka Kenya ka mid ah sidoo kale ka mid ah Golaha ka soo galay Gobolka Waqooyi Beri ee dhulka Soomaalida degto islamarkaana Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim uu ku garaacay Xildhibaan Faadumo Geedi  xarunta Baarlamanka Kenya hortiisa.

Ciidamada Kenya ayaa xabsiga dhigay Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim 14 kii bishii hore ee Juun iyadoo loo haysto gacan qaadka uu ku sameeyay Xuldhibaan Faadumo Geedi kana tirsan Gudiga maaliyadda ee Baarlamanka Kenya.

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim ayaa hadda xiran 21 maalin iyadoo ilaa hadda wax Maxkamadda ah la soo taagin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee Gobolka Waqooyi beri ka soo galay ayaa sheegay in Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim iyo Xildhibaan Faadumo Geedi ay ahaayeen laba Xildhibaan oo si aad ah iskuugu dhowaa markii loo eego Xildhibaanada kale ee Soomaalida ah iyagoo isku dhawaanshaas ku macneeyay in labadoodaba laga soo doortay Degmada Wajeer.

 

Gacan qaadka uu ku sameeyay Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa waxaa sabab u ahaa ka dib markii Gudiga ay ka tirsan tahay Xildhibaan Faadumo Geedi horaantii bishii Juun kor meer ku tagay Degmada laga soo doortay labada Xildhibaanba,Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim iyo Xildhibaan Faadumo Geedi ee Degmada Wajeer ka dibna wax mashaariic ah laga siinin bulshada halkaas ku dhaqan iyadoo gudiga degmooyin kale ka soo fuliyay mashaariico kala duwan.

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim ayaa ku sababeeyay waxa ku xambaaray inuu ugacanqaado Xildhibaan Faadumo Geedi sababta Degmada Wajeer bulshada ku nool loo qadiyay maadaama Xildhibaan Faadumo Geedi ka mid tahay Xildhibaanada laga soo doortay Degmada Wajeer sidoo kale ka mid tahay Gudiga fulinayay Mashaariicda la siiyay degmooyinka kale ee Gobolka Waqooyi beri.

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim ayaa sheegay in qaladkaas ay ku dhaqaaqay Xildhibaan Faadumo Geedi uu aad ugu carooday ka dibna caradii uu ka qaaday falkaas dhacay awgeed uu is xakamayn waayay.

Lamana oga xiliga Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim Maxkamad la soo taagayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version