Wararka Soomaalida

Xildhibaan Rashiid oo xabsiga loo dhigay Gacanqaadkii X.Faadumo

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim oo ka mid ah Baarlamanka dalka Kenya lagana soo doortay Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi beri ayaa shalay jirdilay Xildhibaan Faadumo Geedi oo ka mid ah Baarlamanka Kenya lagana soo doortay Degmada Wajeer ka dib muran dhax maray labada Xidhibaan. Rashiid Amiin Qaasim ayaa feer iyo Laadba ku garaacay Xildhibaan Faadumo […]

Published

on

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim oo ka mid ah Baarlamanka dalka Kenya lagana soo doortay Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi beri ayaa shalay jirdilay Xildhibaan Faadumo Geedi oo ka mid ah Baarlamanka Kenya lagana soo doortay Degmada Wajeer ka dib muran dhax maray labada Xidhibaan.

Rashiid Amiin Qaasim ayaa feer iyo Laadba ku garaacay Xildhibaan Faadumo Geedi oo ay isla yihiin Soomaali kana wada tirsan yihiin Baarlamanka Kenya ka dib markii isku af dhaafeen Qoondadii shacabka bariga Wajeer oo Xildhibaan Faadumo ka qadisay sida uu ku dooday Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim ka dibna ugacanqaaday.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa saaka soo xiray Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim waxaana lagu xiray xabsi ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida aan wararka ku helnay.

Xildhibaanka oo su’aalo laga waydiiyay sababta ku xambaartay gacanqaadka Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa wuxuu sheegay inuu ka carooday sababta Xildhibaan Faadumo Geedi oo Soomaali ah kana mid ah Baarlamanka dalka Kenya uqadisay shacabkii soo doortay ee bariga Degmada Wadajir caro awgeed iscelin waayay.

Xildhibaan Faadumo Geedi oo ka tirsan Gudiga maaliyadda Baarlamanka Kenya ayaa iyada iyo qaar ka mid ah gudiga maaliyadda waxay kormeer shaqo ku soo sameeyeen degmooyinka Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer iyadoo Gaarisa iyo Mandheera gudigan ay ka soo dhagax dhigeen mashaariic halaka bariga Wajeerna laga soo tagay waana sababta keentay inuu u gacanqaado Xildhibaan Rashiid Xildhibaan Faadumo sida ay sheegayaan wararka halkaas ka imaanaya.

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim ayaa Xildhibaan Faadumo Geedi ku garaacay xarunta la dhigto Gawaarida ee ah ilinka hore ee xarunta Baarlamanka Kenya ka dib markii in muddo ah ay wada murmayeen.

Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa gacan qaadkaas waxaa ka soo gaaray dhaawacyo fudud ka dibna waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaala Nairobi iyadoo halkaas looga sameeyay dawayn Caafimaad jugtii iyo dhaawacii uu gaarsiiyay Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim.

Xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim ayaa hadda xabsiga ugulay gacanqaadkii Xildhibaan Faadumo Geedi ee shalay Baarlamanka hortiisa ugu gaystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version