Wararka Soomaalida

Xildhibaankii uu dhaawacay Gudoomiyaha Warsheekh oo geeriyooday

Published

on

Xalay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday Allaha unaxariistee Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ahaa Xildhibaan Gole deegaan ee degmada Warsheekh ee Shabeelada dhexe ka dib markii dhaawac halis ah uu ka soo gaaray rasaas si lamafilaan ah uga fakatay Gudoomiyaha degmada Warsheekh ee maamulka Hirshabelle Xasan Xaaji axmed Darafey xili la barayay habka loo rido ama loo istcmaalo bastoolad uu soo iibsaday Gudoomiyahaasi xabada ka fakatay.

Marxuum Xasan Cali Xasan ayaa dhaawiciisa wuxuu in muddo ah yaalay oo lagu dabiibayay Isbitaaka Kaysane ee Degmada Kaaraan iyadoo markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka Madiine ee magaalada Muqdisho islamarkaana xalay halkaasi ku geeriyooday.

Dhaawacan xalay ugeeridooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan ee uu ugaystay Gudoomiyaha degmada Warsheekh Xasan xaaji Axmed Darafey ayaa wuxuu soo gaaray 19-kii bishii September ee sanadkan ilaa xalayna xaaladiisa lala tacaalayay.

Xasan Cali Xasan ee hadda geeriyooday ayaa rasaasta sida kutala galka ahayn ugu dhacday ayaa waxaa la sheegay in rasaasta uga dhacday meel halis ah oo ah halbowle ka dibna xaaladiisa gashay miirdabool ilaa uu ka dhinto.

Gudoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Axmed Darafey ee sida kama,ah ugu fakatay marxuum Xasan Cali Xasan una geeriyooday rasaastaas ku dhacday awgeed ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa inuu xiran yahay Gudoomiyaha ka dib markii labada reer nuran ka dhax dhashay sida aan xogta ku helnay.

Trending

Exit mobile version