Wararka Soomaalida

Xildhibaanada Beelaha Direed oo war ka soo saaray Shirka Garowe(Akhriso)+sawiro

Kulan deg deg ah oo ay maanta iskuuga yimaadeen Xildhibaanada Beel weynta Direed ee ku jira Baarlamanka labadiisa Aqal ayaa waxay kulankooda ku lafagureen Siyaasadda dalka,amaanka iyo dhaqaalaha. Xildhibaanadaan oo tiradooda kor udhaafaysa 100 Xildhibaan ayaa waxay ku dheeraadeen ka hadalka Shirka Magaalada Garowe ugu socda Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Soomaaliya. […]

Published

on

Kulan deg deg ah oo ay maanta iskuuga yimaadeen Xildhibaanada Beel weynta Direed ee ku jira Baarlamanka labadiisa Aqal ayaa waxay kulankooda ku lafagureen Siyaasadda dalka,amaanka iyo dhaqaalaha.

Xildhibaanadaan oo tiradooda kor udhaafaysa 100 Xildhibaan ayaa waxay ku dheeraadeen ka hadalka Shirka Magaalada Garowe ugu socda Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo cadeeyey mowqifkooda Siyaasadeed iyo rayigooda Shirka Garowe ayaa waxay soo saareen War Saxaafadeed ay ku faafaahiyeen dhamaan aragtidooda shirka Garowe iyo Siyaasadda dalka.

Hoos ka Akhri War murtiyeedka.

Tr. 10/05/2019

Annagoo ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee beesha Direed, waxaanu isugu nimi kulan wadatashi ah oo ku qabsoomay caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxaanu si qoto dheer u falanqaynay xaalada siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha ugu waaweyn ee hadda taagan sida dib-u-eegista dastuurka, wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, doorashooyinka la filayo in sannadka 2020 dabayaaqadiisa ay ka qabsoomaan dalka iyo xeerka doorashooyinka ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen, nidaamka federaalka iyo Kulanka uga socda magaalada Garoowe madaxda sare ee dalka iyo Dawlad Gobaleedyadda.

Hadaba, iyadoo ay muhiim tahay in beeshani taladeeda ku toosiso dalkan iyo dawladiisa waxaanu isla garanay in dhammaan qodobada sare ku tilmaamman la dedejiyo dhaqangalintooda iyadoo la ilaalinaayo sarraynta sharciga iyo hay’addaha dastuuriga ah ee JFS lana dhawrayo danaha umadda soomaaliyeed.

Markii aanu aragnay qaabka loo abaabulay amma uu u socda Shirka Garoowe, waxaanu garwaaqsanay in aanu ka turjumayn midnimada, talo-wadaaga iyo awood qaybsiga ay ku dhisantahay dawladda JFS.Waxa marag-ma-doon ah in Shirka Garowe looga hadlayo arrimo taabanaya masiirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ummada soomaaliyeed, waaxa ayaan darro ah sida aan wax tixgelin ah loo siin matalaada Beesha Direed.

Sababaha kor ku xusan awgeed, annagoo ah xildhibaanada labada Gole ee BFS ee beesha Dir waxaanu go’aansanay arrimahan hoos ku xusan:

  1. Beesha Direed kuma laha wax metelaad siyaasadeed ah shirka ka socda Garowe, sidaa darteed ma,aha mid gebi ahaan ba khuseeya Beesha Direed, wax kasta oo kasoo baxana ma,aha wax ay aqbalidoonto.
  2. Shir kasta oo looga hadlaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo aan ku salaysnayn awood-qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed isla ogolaadeen ka hor inta aanu nidaamka axsaabta badani dalka ka hirgelin, waxay beesha Direed u aragtaa inuu yahay mid caddaalad darro iyo xasillooni la’aan siyaasaddeed dalka u horseedaya.
  3. Beeshu ma aqabali doonto madal kasta oo hareer marsan sharciga udegsan dalka.
  1. Waxaan cadeyneynaa in guddiyadii hore loogu soo dhisay kulamadii ka horeeyay shirkan Garowe sida guddiga wadaxaajoodka iyo xubnaha madaxda dowlad goboleedyadu u soo dirsadeen in lagu kordhiyo guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka ay yihiin kuwo beelo ugaar ah laga soo magaacabay , sidaas awgeedna aysan beesha Dir aqoonsaneen.
  2. Sidoo kale waxaanu ugu baaqaynaa Madaxdaweynaha JFS oo ah astaanka midnimada Qaranka in uu ka fogaado nidaamka kasta oo kala fogaynaya wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  3. Ugu dambayn, hadii aan wax laga bedelin ku tagrifalka iyo tixgelin la’aanta matalaadda siyaasadda dalka, waxay beeshu wada tashi ka yeelan doontaa talaabada ay qaadayso.

Wabilaahi Towfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version