Community
Xildhibaanada Hodan iyo Mohamud oo si rasmi ah loogu dhaariyay xilalkii loo doortay
Waxaa magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay munaasabad aad u balaaran oo si rasmi ah loogu dhaariyay Xildhibaanada Hodan Hassan iyo Mohamud Noor. Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen culumo, hogaamiyayaasha bulshadda, dhallinyaro, ganacsato, qaar kamid ah madaxda laga soo doortay gobolka Minnesota iyo ehelka iyo qaraabada labadda xildhibaan ee la dhaariyay […]
Waxaa magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay munaasabad aad u balaaran oo si rasmi ah loogu dhaariyay Xildhibaanada Hodan Hassan iyo Mohamud Noor.
Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen culumo, hogaamiyayaasha bulshadda, dhallinyaro, ganacsato, qaar kamid ah madaxda laga soo doortay gobolka Minnesota iyo ehelka iyo qaraabada labadda xildhibaan ee la dhaariyay ayaa ka dhacday gudaha aqalka looga arrimiyo gobolka Minnesota ee ku yaala magaalada St. Paul.
Haddaba maalintii Talaadada oo ay bishu ahayd January 8, 2019 ayaa ahayd maalin taariikhi ah, markii Hodan Hassan iyo Mohamud Noor oo Soomaali ah isku mar loo dhaariyay xilka xildhibaanimo ee loo doortay bishii November 2018.
Munaasabaddan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa dadka ka soo qayb galay ay dhammaantood u muujiyeen taageero balaaran labadda xildhibaan ee la dhaariyay.
Hodan Hassan ayaa loo doortay kursiga gudoonka aqalka baarlamaanka gobolka Minnesota ee 62A, halka Mohamud Noor loo doortay kursiga gudoonka aqalka baarlamaanka gobolka Minnesota ee 60B.
Xigashadda sawiradda: Deeq Darajo