Wararka Soomaalida
Xildhibaanadii ugu badnaa oo Mooshin ka gudbiyay Siciid Deni
Ka dib markii maanta uu furmay kulankii 45-aad ee Golaha wakiilada maamulka Puntland uuna furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa su’aalo laga weydiiyay arimaha,amniga iyo siyaasadda Puntland ka dibna uu aad uga carooday Madaxweynaha su’aalaha la weydiiyay oo aad u adkaa ka dibna si deg deg ah uga baxay kulankii Baarlamanka kaga baxay Madaxweynaha maamulka Puntland.
Haddaba wararka uu ka helayo Garowe Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in 29 Xildhibaan Mooshin ka ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyagoo doonaya inay xilka ka tuuraan Madaxweynaha iyagoo ku eedaynaya inuu ka leexday wixii puntland loo aas aasay iyo in koox gaar ah ka doorbiday wada shaqayntii dowladda federaalka Soomaaliya koox gaar ahna la saftay.
Xildhibaanadan 29 ka kooban ee Mooshinka wada oo shirjaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku dhaartay haddii Madaxweynaha maamulka Puntland uu ka hariwaayo koox ay ku tilmaameen Qaran dumis oo uu ku biiray Madaxweynaha,hor imaan waayo Golaha Baarlamanka sida iyagu ay doonayaan ee ah wada shaqaynta dowladda dhexe hagaajin waayo sidoo Raali gelin ka bixin waayo gef ay sheegeen inuu u gaystay Golaha Baarlamanka in koob biyo ah ukaban doonin in xilka ay ka tuuraan sida ay Saxaafadda ay usheegeen Xildhibaanadaasi ku shiray Caawa Garowe.
Xog baaris aan ku samaynay sharciga uu xilka ku waayi karo Madaxweynaha Puntland ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan Garowe waxay inoo sheegeen in Siciid Deni xilka looga tuuri karo 35 Xildhibaan haddii ay isku raacaan in Madaxweynaha xilka laga qaado sidaas ku waayi doono xilkiisa sidoo kale haddii 34 Xildhibaan ka soo hor jeestaan xilka qaadistiisa sidaas ku sii ahaan karo Madaxweynaha Puntland.
Baarlamanka Puntland ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 66 Xildhibaan guud ahaan iyadoo hadda tirada ridi karta Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ka dhimantahay 6 Cod ama xildhibaan oo kaliya maadaama 29 Xildhibaan hadda ay gudbiyeen Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Puntland ah.