Wararka Soomaalida
Xildhibaano caraysan oo gaaray guriga Madaxweynihii hore
Hoyga magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa waxaa uu yahay mid aad umashquul badan iyadoo siyaasiyiin kala nooc ah ay ku qulqulayaan guriga Madaxweynihii ka dib markii Shariif Sheekh Axmed maanta laga joojiyay safarkii Kismaayo uu ku aadi lahaa.
Qaar ka mid ah golaha baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray guriga Madaxweynihii hore iyagoo caraysan kana xumaaday qaabka loola dhaqmay Madaxweynihii hore ahna Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya talaabadaasi ugu danleedahay go,doominta siyaasadeed ee ay ku samaynayaan caleema saarka Axmed Madoobe ee 24 bishan September lagu wado inay ka dhacdo magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada caawa hoygiisa ku booqday Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa horboodaya Xildhibaan Cabdiqaadir Cobole kana mid ah xubnaha mucaaradka ah ee golaha Baarlamanka Soomaaliya siweyna utaageersan Xisbiyada mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya mid ka mid ah xisbiyada UPD iyo HIMILO QARAN ee ay kala hogaaminayaa Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ka tirsan.
Xildhibaanadaas oo tira ahaan gaaraya ilaa 12 Xildhibaan ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ka raali galiyay talabadii maanta lagula dhaqmay waxayna usheegeen in falkaas aad ugu xun yihiin.