Wararka Soomaalida
Xildhibaano iyo Engineero ka socda DFS oo gaaray Magaalada Marka
Xildhibaanada iyo Engineerada ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Marka ayaa waxaa horboodaya Xilshibaan Senetor Xuseen Cali Xaaji iyagoo ujeedkooda lagu sheegay inay u kuur galaan xaalada magaalada Marka iyo roobabkii ka da’ay saameynta ay ku reebeen sidii ay u soo eegi lahaayeen.
Wafdigan iskuuga jira Xildhibaanada iyo Engineer ee ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Ceel jaale ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyadoo wafdigaas loo soo galbiyay xarunta degmada Marka.
Wafdigaas ayaa duba kormeer ku sameeyay goobaha ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Marka ee haddq dhismihiisa uu socdo kaasoo ku yaala deegaanka Ceeljaale ee duleedka magaalada Marka iyo sidoo kale waxay kormeer ku sameeyeen Waddada Xiriirisa Marka iyo Shalambood oo hadda aad uburburtay ka dib markii roobabkii saameyn ku reebeen.
Wafdigaas ayaa waxay kaloo booqdeen xarunta Banggiga iyo goobaha ay ku nool yihiin qoysaska dantayar ay ku nool yihiin ee Barakacayaasha ah iyagoo usheegay qoysaska in si deg deg ah xaaladooda wax looga qabanayo.
Gudoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Axmed Waafow oo lahadlay Saxaafadda ayaa wuxuu ka hadlay soocdaalka Engineerada iyo Xildhibaanada maanta safarka ku yimid ayaa sheegay in u jeedkooda ugu muhiimsan uu yahay kormeerka ay ku sameynayaan garoon diyaaradaha ee dhismahiisa meesha uu marayo iyo waddada isku xirta Marka iyo Shalambood sidii dib udayactir wanaagsan loogu sameyn lahaa.
Maamulka magaalada Marka iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku howlan in si deg deg ah wax ugu Qabtaan dhibaatooyinka ka jira magaaladaas iyo xaaladaha bini,aadanimo ee ay wajahayaan qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Marka iyo duleedkeeda.