Wararka Soomaalida

Xildhibaano ka mid ah dowladda oo laga badbaadiyay weerarkii Hotel Cas-Casey

Hotel Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo oo caawa maqribkii weerar ku bilowday Qarax ismiidaamin ah ay ku qaadeen koox ka tirsan Al shabaab ayaa waxaa ku dhintay Wariyaal caan ah iyo dad kale oo ka mid ahaa dadkii deganaa Hotelka. Wariyaasha la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah Hodan Naaleeye iyo Maxamed […]

Published

on

Hotel Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo oo caawa maqribkii weerar ku bilowday Qarax ismiidaamin ah ay ku qaadeen koox ka tirsan Al shabaab ayaa waxaa ku dhintay Wariyaal caan ah iyo dad kale oo ka mid ahaa dadkii deganaa Hotelka.

Wariyaasha la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah Hodan Naaleeye iyo Maxamed Sahal Cumar.

inkastoo tiro sax ah lahaynin tirada dadka ku dhintay weerarkaas ayaa haddana warar si hordhac ah loo helayo ayaa waxay sheegayaan ugu yaraan ay ku nafwaayeen 34 qof halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Markii kooxdan qaraxa ismiidaaminta ah ku dhufteen Albaabka Hotelka ayaa waxaa gudaha hotelka ugudbay koox kale oo horay Al shabaab udiyaariyeen waxaana gudaha hotelka la sheegayaa in toogasho ay ka dhacday.

Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland oo markiiba hareereeyay Hotelka Cas-Casey ayaa soo badbaadiyay qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya kana mid ahaa dadkii deganaa Hotelka caawa la weeraray.

Xildhibaanada laga badbaadiyay weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah 1-Xildhibaan Caana Nuug 2-Senator Iftiin Xasan Baasto 3-Senator Axmed Xaashi Maxamuud inkastoo warar bilowgiiba soo baxay lagu sheegay in Senator Axmed Xaashi uu ku dhintay qaraxaas ayaa baaritaan dheer oo aan samaynay waxaan ku soo xaqiijinay in Senator Axmed Xaashi Maxamuud uu nool yahay.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee hotelka Cas-Casey ayaa sheegaya in gudaha Qolalka Hotelka ay ku xayiran yihiin mas,uuliyiin iyo dad kale oo deganaa hotelka iyadoo wali xabado laga maqlayo gudaha Hotelka sida uu inoo sheegay mid ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version