Wararka Soomaalida

Xiliga laqabanayo Shirka madaxda Maamulada iyo Madaxda Qaranka oo shaaca laga qaaday

Shirkii maalmahaanba ka socday Garowe una dhexeeyey Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya ayaa waxaa go,aan lagu gaaray in Garowe lagu qabto shir lagu dhamaystirayo heshiiskii lagaaray. Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo Saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in Shirkaas lagu qaban doono Garowe bisha Maarso. Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay kulan maanta dhexmaray […]

Published

on

Shirkii maalmahaanba ka socday Garowe una dhexeeyey Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya ayaa waxaa go,aan lagu gaaray in Garowe lagu qabto shir lagu dhamaystirayo heshiiskii lagaaray.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo Saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in Shirkaas lagu qaban doono Garowe bisha Maarso.

Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay kulan maanta dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira ka dibna madaxweyne Farmaajo u soo jeediyey in bisha Maarso bartamaheeda shir la isugu yimaado isla markaana ka codsaday Madaxweynaha Maamulka Puntland in shirkaas uu martigeliyo.

Waxaa uu sheegay Siciid Deni in ay aqbaleen dalabka Madaxweynaha ee ah in shir la,iskuuga yimaado dhinaciisana uu martigeliyo shirka Madaxweynaha uu ku baaqay si xal loogu helo xalinta khilaafaadka jira, kuna faraxsan yahay in Puntland kaalinteeda ka qaadaneyso midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version