Wararka Soomaalida
Xisbiga Himilo Qaran oo jawaab ka bixiyay xayiraadii la saaray
Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sulemaan Maxamuud Xaashi (Xuub Sireed) kana mid ah Golaha Baarlamanka Soomaaliya oo la hadlay Saxaafadda ayaa si adag uga hadlay jabkii maanta ku qabsaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde asaga iyo Gudoomiyahooda Guud ee Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka dib markii xukuumadda Soomaaliya ka joojisay safar ay ku aadi lahaayeen Magaalada Kismaayo si halkaas ay ugu qaybgalaan Caleemasaarka Axmed Madoobe ee ku soo baxay mid ka mid ah doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo 25-kii August iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay qaadhaceen dhamaan wixii doorashooyin ahaa ee ka qabsoomay Kismaayo.
Gudoomiye Xuub Sireed ayaa sheegay in dalka Turkiga ugu soo safreen sidii ay ugu qaybgali lahaayewn caleemasaarka Axmed Madoobe markii ay soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaaradii ay la socdeen mar-qura ay ka war heleen in la joojiyay gabi ahaanba duulimaadkii Kismaayo ku aadi lahayd diyaaradii ay la socdeen.
Sulemaan Maxamuud Xuub Sireed Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay iswaydiiyeen waxa keenay in la hakiyo duulimaadkii diyaarada ee ku aadi lahayd Kismaayo ka dibna ay u tageen qaybta maamulka hawada diyaaradaha xafiiska Muqdisho ka dibna lagu wargeliyay in amarkan uu yahay amar ka soo fulay madaxda sare ee dalka xukunta sidaas awgeed guryahooda ay aadaan.
Gudoomiye Xuub Sireed ayaa intaas ka dib sheegay in toos ulaxiriireen xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre jawaabtii ay ka heleena ay ahayd in loo cudurdaarayo taasoo ka dhigan in loo diidan yahay ka qaybgalka munaasabada Kismaayo ee caleemasaarka Axmed Madoobe sida ula muuqatay jawaabta ay kala kulmeen mas’uuliyiintii ay la hadleen.
Sulemaan Maxamuud Xaashi (Xuub Sireed) Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu dambayntii sheegay in talaabadan ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ku qaldan tahay wax allaale wixii qaldana marnaba Xisbiga Himilo Qaran madaxdiisa udulqaadan doonin kuna dhaqmaynin.