Wararka Soomaalida
Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka oo walaac ka muujiyey Shirka LODON ka dhici doona
dhowaan Magaalada LODON ee Dalka Britain ayaa waxaa ka dhici doona Shir balaaran oo looga hadlayo baarista Shidaalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galayaan khubaro,Ganacsato,Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo teknoolijiyada Soomaaliya. Shirkaas iyo Shidaal baarista Soomaaliya ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyey Aqoon yahanada Soomaaliyeed,Ururada bulshada rayidka iyo Siyaasiyiinta Soomaakiyeed. Waxaa maanta […]
dhowaan Magaalada LODON ee Dalka Britain ayaa waxaa ka dhici doona Shir balaaran oo looga hadlayo baarista Shidaalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galayaan khubaro,Ganacsato,Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo teknoolijiyada Soomaaliya.
Shirkaas iyo Shidaal baarista Soomaaliya ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyey Aqoon yahanada Soomaaliyeed,Ururada bulshada rayidka iyo Siyaasiyiinta Soomaakiyeed.
Waxaa maanta arrintan ka hadlay oo War-Saxaafadeed ka soo saaray Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ee loo soo gaabiyo UPD.
Waxaana Madaxda Xisbigan oo uu uga horeeyo Gudoomiyaha Xisbigaas ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay sheegeen in shirkaas ka dhici doona LODON 7 Juuun uu yahay shir halis ku ah Soomaaliya isla markaana la doonayo in lagu xaraasho Shidaalka Soomaaliya.
Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa ka digay in aan lagu deg degin oo laga fiirsado waxayna intaas War-saxaafadeedka ay soo saareen ku Dareen hay’adaha danaynaya arrimaha shidaalka ee Soomaaliya kana qayb galaya shirkaas ay haysataan khubaro ku takhusasay arrimaha shidaalka.
Dhinaca kalana Wasaaradda Batroolka iyo Teknoolijiyada Soomaaliya aaney haysan khubaro heerkooda aqooneed gaarsiisan yihiin arrimahan hadda la damacsan yahay.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Xisbiga.