Wararka Soomaalida
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) oo laga hor istaagay arrimo ay ka fulin lahaayeen Baydhabo
Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in galabta is hor istaag lagu sameeyey qaar ka mid ah Madaxda Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee (UPD) oo halkaas utagay Arimo laxariira Siminaar in ay ku qabtaan Magaalada Baydhabo ka dib markii lagu Wargaliyey in arrimo amaan awgeed aysan Baydhabo ku qabankarin […]
Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in galabta is hor istaag lagu sameeyey qaar ka mid ah Madaxda Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee (UPD) oo halkaas utagay Arimo laxariira Siminaar in ay ku qabtaan Magaalada Baydhabo ka dib markii lagu Wargaliyey in arrimo amaan awgeed aysan Baydhabo ku qabankarin Siminaar iyo arimo kale toona.
Gudoomiyaha Xisbigaas ee Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waana dhoor Xisbi oo ku midoobay Magacaan waxaana ku jira Xubno Siyaasiyiin ah oo iskuuga jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Wax xil ah ka haynin Hay’adaha Dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda talada Dalka haysa.
Dhamaan inta ku jirta Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee loo soo gaabiyo UPD ayaa waxay mucaarad ku yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Xubno ka tirsan xisbiga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maanta lagu wargeliyay in sababo amni ay u baajiyeen siminaarkii ay u qaban lahaayeen qaar kamid ah bulshada magaalada Baydhabo ku nool sida qorshahooda uu ahaa.
Warar uu si hoose uu helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Xisbigan Xasan Sheekh Maxamuud oo ah sidoo kale Madaxweynihii hore isla markaana aad udhaliila Madaxda hadda talada dalka haysa uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo Saraakiisha kusugan Baydhabo ay ku wargaliyeen in Xamar sida uga dhaqsiyaha badan uu uga laabto.
Lama oga waxa salka uu ku hayo baajinta siminaarkan uu qaban lahaa xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka balse waxaa loo sababaynayaa in arintan ay la xiriirto Mucaaradnimada iyo hadalada Xanafta leh ee ay marwaliba ujeediyaan Madaxda federaalka Soomaaliya iyo xaalada isbedel ee maamulka Koonfur Galbeed kula yimid loona doortay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Garesn,Xisbigan Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa bilo ka hor looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.