Wararka Soomaalida

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Xalane oo ay deganyihiin Hay’adaha QM ee UN iyo AU sidoo kale ay degan yihiin Safaaradaha reer Galbeed ahna xarunta Taliska ugu weyn ee Taliska AMISOM. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle […]

Published

on

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Xalane oo ay deganyihiin Hay’adaha QM ee UN iyo AU sidoo kale ay degan yihiin Safaaradaha reer Galbeed ahna xarunta Taliska ugu weyn ee Taliska AMISOM.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicda shalay lagu garaacay Xarunta Xalane ee ku dhagan Garoonka Aadan Cadde, waxaana qeyb kamid ah xaruntaasi dagan Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa weerarka xaruntooda Muqdisho lagu qaaday ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimada

Antonio Guterres ayaa dowlada federaalka Soomaaliya uga baaqay in si deg deg ah loo baaro weerarkaasi lagu qaaday xarunta Xalane cadaaladana lagu horkeynaa dadkii ka dambeeyay .

Waxa uu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in weerarkan uusan waxbo u dhimi doonin howlaha Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya,waxa uuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada madaafiicda shalay lagu weeraray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in 7-madfac gudaha ugu dhaceen xarunta Xalane khasaarana uu kasoo gaaray Qaramada Midoobay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version