Wararka Soomaalida

Xoghayaha Nusoj oo ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho

Qaraxyadii labada,ahaa ee caawa ka dhacay Hotelka Makah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa dadka ku dhintay in ay gaarayaan 15 qof oo rayidka ubadan dhaawacana uu ku dhaw yahay 25 ruux sida ay inoo sheegeen dadka ka badbaaday weeraradaas. Dadka dhaawaca qaba ee qaraxyada Muqdisho caawa ka dhacay ku dhaawacmay ayaa […]

Published

on

Qaraxyadii labada,ahaa ee caawa ka dhacay Hotelka Makah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa dadka ku dhintay in ay gaarayaan 15 qof oo rayidka ubadan dhaawacana uu ku dhaw yahay 25 ruux sida ay inoo sheegeen dadka ka badbaaday weeraradaas.

Dadka dhaawaca qaba ee qaraxyada Muqdisho caawa ka dhacay ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Xoghayaha guud ee Urururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Dhaawaca xoghaye Macalimuu ayaa waxaa uu ka soo gaaray gacanta Midig gaar ahaan meel ka saraysa dhudhunka.

Dhaawaca soo gaaray Macalimuu ayaa ah mid sahlan oo ah firir ka dhaawacay Xusulka gacanta xaaladiisana hadda ay fiican tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version