Wararka Soomaalida
Xoolihii miiga oo Magaalo loo soo badalay
Magaalo kasta oo Soomaaliya ah ayaa intabadan sanadihii dambe waxaa si aad ah uga soo badanaya Xoolihii lagu dhaqijiray miiga oo magaalo loo soo badalay ka dib markii dadkii dhaqaalaynjiray reer magaal isku badaleen.
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay ka mid tahay meelaha sida aadka ah loogu xanaanaynayo Xoolaha noocyadooda kala duwan sida Geela,Lo’da iyo A’riga iyadoo arimahan ku lug leeyihiin Ganacsato Soomaali ah islamarkaana magacyo kala duwan u sameeyay.
Sawirkan idiinka muuqa cinwaanka hore ayaa wuxuu yahay Sawir laga soo qaaday labo neef oo Geel ah oo goor casir ah soo galay meel Biibito ah laga cabo Cabitaan iyo Shaah kuna taala bartamaha degmada Dhuusamareeb waxaana xiligaas Shaah casiryo ah ka cabayay Odayaasha iyo dhalinyarada magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Shacabka dhuusamareeb iyo dadyowga kale ee ku nool magaalooyinka Soomaaliya ayaa wax dareen ah ama layaab ka muujinin arimahan sababtoo ah waxay laqabsadeen Xoolaha lagu soo daayay magaalada iyadoo shacabkaas qaar ka mid ah ay ka mid yihiin kuwii dhaqaalayn jiray Xoolahan.
Magaalooyinka sida xowliga ah usoo galeen Xoolaha ayaa waxaa ka mid ah magaalada Muqdiaho Caasimada Soomaaliya dhinaca gobolada waxaa ka mid ah Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Cadaado,Boosaaso iyo kuwo kale iyadoo si kaduwan sidii miiga loo xanaaneeyo Xoolahaas loo soo badalay magaalada waxaana ubadan Geela.
Magaalooyinkaas ayaa waxaa degan oo xarumo ku leh shirkad la yiraahdo SOOLIS iyadoo Geelan si gaar ah loo biilo qarash xooggan lagu bixiyo bil walba waxaana dadka leh Geelaas sheegeen in maalintii 5 jeer neefkiiba lagaliso caano gaaraya Caag Shan Litter qaad caano ah iyadoo Shirkadaas shaqaale uxilsaaran magaalada u,iib geeyaan.
Nidaam ahaan xiligii ay jirtay dowladdii Soomaaliya ayaa waxaa jiray sharci ka ilaalinjiray magaalooyinka inay soo galaan Xoolaha markii laga reebo suuqyada loo iib geeyo iyadoo xataa Xoolaha magaala joogga ah xeer iyo nidaam ugaar ah loo sameeyay.
laakiin hadda markii dowladdaas meesha ka baxday oo wax walba oo jiray ee sharci ahaa jaantaarogan ay isku badaleen ayaa Miigi iyo magaaloba sharciyadii ka jiray waxay noqdeen kuwa is dhaxjiiray.