Wararka Soomaalida
Xubno ka mid ah NISA oo shaqadii laga eryay
Warqad maanta ka soo baxday xafiiska hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in shan xubnood oo ka mid ah hay’adda laga bilaabo maanta laga ruqseeyay xubanimadii hay’adda. Warqadda ka soo baxday hay’adda NISA ayaa waxaan lagu xusin magacyada shantan xubnood ee shaqada NISA laga eryay. “Wareegto maanta kasoo baxday Hey’adda ayaa […]
Warqad maanta ka soo baxday xafiiska hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in shan xubnood oo ka mid ah hay’adda laga bilaabo maanta laga ruqseeyay xubanimadii hay’adda.
Warqadda ka soo baxday hay’adda NISA ayaa waxaan lagu xusin magacyada shantan xubnood ee shaqada NISA laga eryay.
“Wareegto maanta kasoo baxday Hey’adda ayaa qeexday in shan xubnood oo ka horyimid hanaanka shaqo gudasho & danaha qaranka, aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA, laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah”
Sanadkii hore ayaa sidaan oo kale waxaa hay’adda NISA shaqada looga eryay qaar ka mid ahaa Saraakiisha hay’adda NISA.