Uncategorized
Xubno ka tirsan Daacish oo lagu qabtay Itoobiya
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xadka ay la wadaagto Soomaaliya ku qabatay xubno saraakiil ah kana tirsan Daacish ay ku qabteen ka dib howlgal ay ka sameeyeen xadka labada wadan sida ay sheegtay Itoobiya.
Qabashada xubnahan ka tirsan daacish ayaa yimid kagadaal markii Ciidamada Itoobiya howlgal ay ka fuliyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dibna ay ku soo qabteen xubno looga shakisan yahay inay ka mid yihiin Ururka labaxay dowladda Islaamka ama ISIS.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya oo lagu magacaabo Koronel Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in tiro kamid ah raggan la qabtay ay ka kala soo jeedaan wadamada Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan sida uu Saxaafadda usheegay Sarkaalkaas.
Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shaqsiyaadkan ay soo qabteen ee ka tirsan ururka Daacish.
Tesfaye Ayalew waxaa sidoo kale uu sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh isla markaasna xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska la,ah sida Soomaaliya oo kale taasoo u horseeday inay ku guuleystaan soo qabashada raggan Daacishta ah.