Uncategorized

Xulalka Soomaaliya iyo Eritrea oo ciyaar adag dhax martay

Published

on

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa bar-baro kala kulmay Xulka qaranka Eritrea iyagoo ciyaaray kulankii 4-aad ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup ee ka socda dalka Uganda.

Kulankan ayaa ahaa mid adag oo ay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican oo dhan walba isaga dheeli tiranaa ciyaartooda hadii ay tahay dhanka weerarka iyo daafaca.

Gool hayaha xulka Soomaaliya ayaa dhawr mar badbaadiyay in Gool laga dhaliyo Xulka Soomaaliya ka dib markii ciyaar yahanada Eritrea isku dayeen inay Goolal ay ka dhaliyaan xulka Soomaaliya halka Xulka Soomaaliya sidoo kale ay heleen fursado cajiib ah balse iyana Gool hayaha xulka Eritrea uu ka badbaadiyay in Gool ay ka dhaliyaan Xulka Soomaaliya.

Intii ciyaarta ay socotay ayaa waxaa garoonka ciyaarta ka dhacaysay ku sugnaa bulshada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Kampala ee dalka Uganda iyagoo mar walba dhiiri gelinayay ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya.

Ugu dambayn kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro ama 0-0 waxana xulka Eritrea Xaqiijiyeen kaalinta 2-aad ee ciyaarta.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan 1-0 kaga soo badiyay Xulka Burundi waxayna haystaan 4 dhibcood.

Dadka ka faalooda arimaha Sport-ka ayaa waxay sheegeen in xulka Soomaliya hadda ay marayaan markii ugu fiicneed abid inta la xasuusto.

Xulka Soomaaliya ayaa waxay ku jiraan Group A Ciyaarta bariga iyo bartamaha Africa waxayna iskula jiraan Eritrea oo hadda barbaro isla dhaafiwaayeen Uganda,Djabuuti iyo Burundi.

Hasa ahaatee xulka Soomaaliya ayaa ka haray tartanka ciyaaraha ee bariga iyo bartamaha Africa ka dib markii laba jeer barbaro ay galeen midna laga soo badiyay midna ay badiyeen haddii ay ka badin lahaayeen xulka Eritrea waxay sii wadan lahaayeen ciyaarta waxayna tegi lahaayeen booska labaad ee ciyaarya waxayna ku hareen 4 dhibcood.

Trending

Exit mobile version