Wararka Soomaalida

Xulka Soomaaliya oo Xulka Burundi 1-0 ugu badiyay

Published

on

Ciyaarta bariga iyo bartamaha Africa ee ka socda dalka Uganda ayaa galabta waxaa ciyaar adag dhax martay xulka Soomaaliya iyo Xulka Burundi waxaana ciyaartaas ku soo idlaatay 1-0 oo Xulka Soomaaliya ku adkaaday.

Xulka Soomaaliya ayaa la soo ciyaaray xulalka Jabuuti iyo Uganda iyadoo xulka Jabuuti iyo xulka Soomaaliya ciyaartii dhax martay ku dhamaatay 0-0 ama barbar dhac halka xulka Uganda Soomaaliya ugu badiyay 2-0 oo xulka Soomaaliya looga badiyay natiijadaasi.

Soomaaliya ayaa hadda oo ay ka badisay Burundi waxay haysataa 3 dhibcood oo nadiif ah halka Jabuuti iyo Uganda min 3 dhibcood iyana ay haystaan laakiin waxaa 4 dhibcood leh xulka Uganda oo xulal kale ka soo badiyay.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan waxay u tahay guul dahabi ah.

Trending

Exit mobile version