Local News

Yusra oo daah-furtay ololaha ay ugu jirto xilka golaha gudoonka degmadda 2-aad ee Minneapolis

Published

on

Yusra Arab oo ah musharax u taagan golaha gudoonka degmadda 2-aad ee magaaladda Minneapolis ayaa si rasmi ah u daah-furtay ololaha iyo loolanka ay ugu jirto xilka iyo jagadda golaha gudoonka degmadda 2-aad ee magaaladda Minneapolis.

Munaasabad si wanaagsan loo soo agaasimay oo xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa lagu shaaciyay musharixnimadda Yusra Arab. Yusra Arab ayaa kamid ah siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha dhallinyarada ah ee ku dhaqan magaaladda Minneapolis.

Musharax Yusra Arab ayaa ah shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh xilka iyo jagadda ay u tartamayso. Yusra ayaa magaalada Minneapolis ku dhamaysay waxbarashadda dugsiga sarre, waxay Jaamacadda Minnesota ka qaatay Shahaadada Bachelor-ka ee Cilmiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga. Sidoo kale Yusra ayaa shahaadada Master-ka ku qaadatay Daryeelka Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha iyada oo ka qalin jabisay Jaamacadda Saint Mary.

Xildhibaan Hodan Hassan oo matasha degmadda 62A magaaladda Minneapolis.

Yusra ayaa mudo afar sanno ah ka shaqaynaysay Xarunta dawladda hoose ee Minneapolis oo ah goobta looga arrimiyo magaaladda Minneapolis. Waxay musharax Yusra horey usoo ahayd macallin dhiga dugsigadda hoose. Musharax Yusra ayaa xogogaal u ah in baddan oo kamid ah baahida dadweynaha ku dhaqan degmadda 2-aad ee ay tartanka ugu jirto, baahida bulshadda Soomaaliyeed iyo guud ahaanba adeegyadda ay u baahan yihiin shicibka ku dhaqan magaaladda Minneapolis iyo xaafadaha ay degmadda 2-aad ka kooban yihiin.

Waxaa madashii iyo munaasabadii lagu daah-furay ololaha musharax Yusra Arab ka soo qayb galay qaar kamid ah madaxda, hal-doorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed. Qaar kamid ah dadkii qudbadaha ka jeediyay kulankan ayaa aad uga hadlay waayo aragnimadda, aqoonta, hogaan wanaaga iyo dadaalka dheeradka ah ee ay musharax Yusra Arab leedahay.

Dadkii iyo madaxdii goobta ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyay dhamaan bulshadda Soomaaliyeed in ay garab istaagaan musharax Yusra Arab oo ay ku taageeraan Hiil iyo Hooba. Waxaad akhbaar dheerad ah oo ku saabsan musharax Yusra iyo ololaha siyaasadeed ee ay ku jirto ka daalacan kartaa bogga ama website-ka https://www.yusraarab.com/

Xigashadda Sawiradda: Daus Xared

Trending

Exit mobile version