Wararka Soomaalida
Yuusuf Garaad oo Warbixin ka diyaariyey Nicholas Haysom
Yuusuf Garaad Cumar Axmed Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya horayna u soo noqday Madaxa laanta Afka Soomaaliya ee BBC Soomaali ayaa waxaa uu ka hadlay Ergaygii hore ee QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom Eriyada laga ceeriyey Soomaaliya. Yuusuf Garaad ayaa sheegay nacaybka Haysom in kaalin Wayn ay ka qaateen Soomaalida isticmaasha Baraha Bulshada […]
Yuusuf Garaad Cumar Axmed Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya horayna u soo noqday Madaxa laanta Afka Soomaaliya ee BBC Soomaali ayaa waxaa uu ka hadlay Ergaygii hore ee QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom Eriyada laga ceeriyey Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa sheegay nacaybka Haysom in kaalin Wayn ay ka qaateen Soomaalida isticmaasha Baraha Bulshada ay ku wada xiriiraan ee Social Media yaha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee iyana falanqeeyey iyo sida Haysom uu ubaalmaray la shaqaynta Xukuumadda Soomaaliya wuxuuna sheegay Yuusuf Garaad Arrimahaas oo isbiirsaday soo Dedejisay in dhaqso loo ogolaado bedelaadiisa ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in Haysom Soomaaliya aan laga rabin.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa muujiyay walaaciisa ku saabsan ka soo horjeeditaanka laga soo hor jeestay iyo in Soomaaliya laga ceeriyo wakiilkii Qaramada Midoobay Nicholas Haysom oo xukuumadda Soomaaliya sidaas udhaqanto.
Yuusuf Garaad wuxuu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya aysan ku faani karin amaankeeda iyo aqbalaadda bedelka ah ee Haysom ka dib markii xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ogolaaday amrka Dowladda Soomaalid ee ahaa in laga bedelo Nicholas Haysom.
“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu cadeeyey inuu aqbalay wixii dowladdii Soomaaliya ay dooneysay inkasta aysan caddaalad ahayn haddana uu ku raacay Dowladda Soomaaliya tilaabada ay qaaday taasoo ah inuu soo magacaabayo Wakiilka cusub laakiin waa in aan lagu ammaanin xukuumadda”ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dubadda Soomaaliya Yuusuf Garaad
Yuusuf Garaad waa uu sii waday ka hadalka arinta Nicholas Haysom waxaana uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay dacwad ku soo oogtay wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Haysom waxayna xukuumadda Soomaaliya ku eedeysay Nicholas Haysom uu faragelin ballaaran ku hayay arrimaha xukuumadda asagoo Nicholas Haysom muujiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay ku fashilantay artimaha amaanka iyo Siyaasadda lagu hago Maamul Goboleedyada sidaas awged Dowladda Soomaaliya soo saartay amar ah in dalka laga ceeriyo Nicholas Haysom.
“Mr Haysom wuxuu diiday in uu ka soo horjeesto caqiidada iyo iyo habka diblomaasiyadda ee loo maray Maamulada Soomaaliya ee Dowladda ku cadaadisay, Nicholas Haysom wuxuu u dhaqmey sidii inuu yahay madaxa Soomaaliya ee talada iska leh wuxuuna ku rayi noqday Madaxda Maamulaha Soomaaliya waana mid khalad ah qaabkaas mana ahan shaqada QM iyo xornimada Soomaaliya waa sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ee waqti xaadirkan Axmed Ciise Cawad ka dib wareysi gaar ah oo la yeelatay BBC Somali.
Uga dambayntii Yuusuf Garaad ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey hadda Madaxda Soomaaliya waxay walaac ka muujinayaan soo gelitaanka Wakiilka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabi doono waxay noqonayso tilaabadiisa ma kii hore oo kale mise mid ka fiican iyo qaabka soo dhaweynta markii uu ku dhowaaqo Antonio Guterres nooca ay noqonayso labadaas arimood ayaa hadda haysata Madaxada federaalka Soomaaliya ayuu ku soo gaba gabeeyay Warbixintii Yuusuf Garaad ee Nicholas Haysom uu kaga Hadley.