US

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah loogu dhaariyay Aqalka Wakiilada Mareykanka

Ilhaan Cumar ayaa loo dhaariyay xubinnimada Aqalka Wakiilada Mareykanka. Ilhaan Cumar ayaa soo xidhatay Qamaar ah Aliindi. Qamaarka Aliindiga ah ee ay soo xiratay Ilhaan ayaa ah astaan ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo weliba sida ay Soomaalinimadu ugu weyntahay Ilhaan. Ilhaan Cumar oo ah muwaadinad asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heysata […]

Published

on

Ilhaan Cumar ayaa loo dhaariyay xubinnimada Aqalka Wakiilada Mareykanka. Ilhaan Cumar ayaa soo xidhatay Qamaar ah Aliindi. Qamaarka Aliindiga ah ee ay soo xiratay Ilhaan ayaa ah astaan ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo weliba sida ay Soomaalinimadu ugu weyntahay Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo ah muwaadinad asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heysata dhalashada Mareykanka ayaa maanta oo ay bishu tahay January 3, 2019 loo dhaariyay Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay Congress-ka Mareykanka iyada oo laga soo doortay gobolka Minnesota. Ilhaan ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka. Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa noqotay mid ka mid ah labo gabdhood oo Muslim ah oo markii ugu horeysay ku biiray aqalka Congress-ka.

Ilhaan Cumar oo hortaagan dhismaha Aqalka Wakiilada Mareykanka oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyey.

Waxaa baraha bulshadda iyo dhamaan warbaahintaba lagu arkayaa sawiro iyo muuqaalo video ah oo tusaya Ilhaan Cumar oo sii galaysa xafiiskeeda, iyo dad badan oo ay kamid yihiin bulshada Soomaalida Mareykanka oo iyagu sawiro taariikhi ah la gelaya Ilhaan.

Xafladda dhaarta ah ayaa ka dhacday Aqalka looga arrimiyo wakiilada Mareykanka ee ku yaala magaalada Washington, DC. Haddaba xafladdan dhaarta ah ayaa looga soo qaybgaley si balaaran.

Ilhaan oo la hadlaysa warbaahina, Aabaheedna uu garab taagan tahay.

Soomaalida, Muslimiinta iyo dad weyne kale oo iyagu kamid ah qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa iyagu u dabaaldegaya maalintan taariikhiga ah. Sidoo kale dunida dacaladeeda oo dalka Soomaaliya uu kamid yahay ayaa tahniyad iyo hambalyo looga soo dirayaa Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar oo dhabta ku haysa cunug yar oo ay dhashay mid kamid ah boqolka haween ee taariikhda cusub ka dhigay maanta Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Haddaba Ilhaan Cumar oo ah mid ka mid ah haweenka ugu caansan Congress-ka ayaa qamaarka ay xirantahay ama ay xirato awgeed sharciga loo badalay ka dib markii xisbiga Dimuqraadigu ay si toos ah ula wareegeen hogaanka Congress-ka maanta.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay sharci-dajiyaha ugu horreeya ee dowladda federaalka ah ee Maraykan ee xirta xijaab ama qamaar diineed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version