Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo xil umagacaabay Wariye caan ah(Akhriso)

Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa caawa xil umagacaabay wariye waxbadan ka soo shaqeeyey xarumo warbaahineed oo ku yaala deegaanada Maamulka Puntland iyo warbaahinada Caalamka qaar kood. Wariyahaas ee xilka umagacaabay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Jama Deperani). Jaamac Yuusuf Jaamac Deperani ayaa waxaa […]

Published

on

Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa caawa xil umagacaabay wariye waxbadan ka soo shaqeeyey xarumo warbaahineed oo ku yaala deegaanada Maamulka Puntland iyo warbaahinada Caalamka qaar kood.

Wariyahaas ee xilka umagacaabay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Jama Deperani).

Jaamac Yuusuf Jaamac Deperani ayaa waxaa loo magacaabay Afhayeenka Maamulka Puntland ka dib war saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxweyne Siciid Deni.

Wariyahan loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland Jaamac Deperani ayaa waxaa uu ka soo howlgalay Idaacadaha ku yaala deegaanada Puntland iyo TV-yada deegaanadaas xarumaha kuleh.

Sidoo kale Deperani ayaa muddo sanad ku dhaw si wariye Madaxbanaan ah uga soo shaqeeyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da isagoo ka soo waramijiray deegaanada Maamulka Puntland sanadihii 2008 iyo 2009kii dabayaa qadiisii.

Jaamac Yuusuf Jaamac Deperani hadda oo ugu dambaysay oo xilkan Afhayeenka ah loo magacaabayey ayaa wuxuu ka howlgalayey xarun warbaahin Muuqaal ah oo asaga leeyahay waxaana lagu magacaabaa Deperani Media.

Xaruntaas ayaa waxay tahay mid uu ku dhax leeyahay shabakadda Facebook iyadoo Warar iyo Barnaamijyo maqal iyo Muuqaal ah uu ku soo bandhigijiray.

War-Saxafaafadeedka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulllahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 24, May, 12, 2019 ku Magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa
shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac Jama Deperani loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version