Wararka Soomaalida

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Published

on

Muqdisho, Maarso 08, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka, kaddib markii ay soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan galinta Dastuurka cusub ee dalka, kaasi oo uu xusay in uu saldhig u noqonayo xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Maanta waxaa soo gabangaboobay, safarkii dheeraa ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer soo ahaa, mid ku meel gaar ah, Baarlamaanka Federaalkuna ay dhowaan ansixiyeen. Ilaaheey idankiis, maanta wixii ka dambeeya, waxaa noo billaabandoona dhaqan galintiisa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa ku wehliyay Munaasabadda saxiixa dhaqangalinta Nuqulka Dastuurka cusub Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dib u eegista Dastuurka. Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddoonka labada aqal, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in tallaabadan ay dhammaystirayso marxalad muhiim ah oo uu baarlamaanku ku soo gabagabeeyay dib-u-eegista dastuurka.

“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaystiray dib-u-eegistii dastuurka, waxaana maanta wixii ka dambeeya noo taagan dhaqangelintiisa iyo sidii ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen xuquuqda iyo waajibaadka ku qoran,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u noqon kara dowladnimo hufan iyo xasillooni siyaasadeed.

“Dukumeentigan waa heshiis bulsho, waxaana rajeynayaa inuu Soomaaliya u horseedo nabad, deganaansho iyo xukun hufan oo toosan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Saxiixa madaxweynaha ayaa ka dhigan tallaabada ugu dambeysa ee dhaqan-gelinta dastuurka, inkastoo weli la filayo habraacyo dheeraad ah oo lagu hirgelinayo qodobbadiisa.

Inkastoo madaxweynuhu saxiixay dastuurka cusub, haddana qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, iyagoo u arka tallaabo uu xukunka ku sii dheeraysanayo madaxweyne Xasan Sheikh.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Ka Digay Dib-u-Dhac ku yimaada Doorashooyinka Dalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan marka ay dhammaadaan muddo xileedyada hay’adaha federaalka.

Goluhu wuxuu xusay in sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012, muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku eg yahay 14 Abriil 2026, halka muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku egyahay 15 May 2026, Sidaas darteed, goluhu wuxuu ku baaqay in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda si loo ilaaliyo nidaamka dastuuriga ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya horey uga soo martay khilaafaad siyaasadeed oo ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka, gaar ahaan wixii dhacay sanadkii 2021, markaas oo muran ka dhashay muddo kororsi uu sababay xiisado siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ku booriyay madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta dib-u-dhac doorasho ama muran siyaasadeed, isla markaana ay ilaaliyaan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada inay qabtaan doorashooyinkooda si waafaqsan dastuurka iyo nidaamka federaalka, si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah oo u baahan hoggaan masuuliyad leh, dulqaad siyaasadeed iyo ixtiraam sharci, si looga fogaado khilaafyo hor leh oo saameyn kara amniga, horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Farmaajo oo Ka Digay Khatar Ka Dhalan Karta Saxiixa Dastuurka cusub ee uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xiriirta wax ka beddelka dastuurka dalka, isagoo ka digay in arrintaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in isbeddellada lagu sameynayo dastuurka ay yihiin kuwo khatar ku noqon kara nidaamka dowladeed, isla markaana laga yaabo inay dhaawacaan midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

Farmaajo wuxuu tilmaamay in dowlad-goboleedyada qaarkood, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay muujiyeen walaac weyn oo ku aaddan qaabka wax ka beddelka dastuurka.

Sida uu sheegay, mas’uuliyiintii hore iyo siyaasiyiin kale oo badan ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyinkan ay abuuri karaan xiisad siyaasadeed iyo khilaaf sharci.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale xusay in hab-raaca dib-u-eegista dastuurka uu ka weecday nidaamkii lagu heshiiyay, isagoo sheegay in dastuurka uu yahay heshiis qaran oo u baahan wadatashi ballaaran iyo isku-raac siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu ku baaqay in dalka dib loogu celiyo wadadii heshiiska iyo wada tashiga siyaasadeed, si looga fogaado qalalaase iyo khilaaf hor leh oo saameyn kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo dalka uu wajahayo caqabado badan.

Trending

Exit mobile version