Connect with us

Wararka Soomaalida

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Published

on

Muqdisho, Maarso 08, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka, kaddib markii ay soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan galinta Dastuurka cusub ee dalka, kaasi oo uu xusay in uu saldhig u noqonayo xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Maanta waxaa soo gabangaboobay, safarkii dheeraa ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer soo ahaa, mid ku meel gaar ah, Baarlamaanka Federaalkuna ay dhowaan ansixiyeen. Ilaaheey idankiis, maanta wixii ka dambeeya, waxaa noo billaabandoona dhaqan galintiisa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa ku wehliyay Munaasabadda saxiixa dhaqangalinta Nuqulka Dastuurka cusub Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dib u eegista Dastuurka. Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddoonka labada aqal, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in tallaabadan ay dhammaystirayso marxalad muhiim ah oo uu baarlamaanku ku soo gabagabeeyay dib-u-eegista dastuurka.

“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaystiray dib-u-eegistii dastuurka, waxaana maanta wixii ka dambeeya noo taagan dhaqangelintiisa iyo sidii ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen xuquuqda iyo waajibaadka ku qoran,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u noqon kara dowladnimo hufan iyo xasillooni siyaasadeed.

“Dukumeentigan waa heshiis bulsho, waxaana rajeynayaa inuu Soomaaliya u horseedo nabad, deganaansho iyo xukun hufan oo toosan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Saxiixa madaxweynaha ayaa ka dhigan tallaabada ugu dambeysa ee dhaqan-gelinta dastuurka, inkastoo weli la filayo habraacyo dheeraad ah oo lagu hirgelinayo qodobbadiisa.

Inkastoo madaxweynuhu saxiixay dastuurka cusub, haddana qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, iyagoo u arka tallaabo uu xukunka ku sii dheeraysanayo madaxweyne Xasan Sheikh.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Ka Digay Dib-u-Dhac ku yimaada Doorashooyinka Dalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan marka ay dhammaadaan muddo xileedyada hay’adaha federaalka.

Goluhu wuxuu xusay in sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012, muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku eg yahay 14 Abriil 2026, halka muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku egyahay 15 May 2026, Sidaas darteed, goluhu wuxuu ku baaqay in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda si loo ilaaliyo nidaamka dastuuriga ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya horey uga soo martay khilaafaad siyaasadeed oo ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka, gaar ahaan wixii dhacay sanadkii 2021, markaas oo muran ka dhashay muddo kororsi uu sababay xiisado siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ku booriyay madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta dib-u-dhac doorasho ama muran siyaasadeed, isla markaana ay ilaaliyaan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada inay qabtaan doorashooyinkooda si waafaqsan dastuurka iyo nidaamka federaalka, si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah oo u baahan hoggaan masuuliyad leh, dulqaad siyaasadeed iyo ixtiraam sharci, si looga fogaado khilaafyo hor leh oo saameyn kara amniga, horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Farmaajo oo Ka Digay Khatar Ka Dhalan Karta Saxiixa Dastuurka cusub ee uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xiriirta wax ka beddelka dastuurka dalka, isagoo ka digay in arrintaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in isbeddellada lagu sameynayo dastuurka ay yihiin kuwo khatar ku noqon kara nidaamka dowladeed, isla markaana laga yaabo inay dhaawacaan midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

Farmaajo wuxuu tilmaamay in dowlad-goboleedyada qaarkood, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay muujiyeen walaac weyn oo ku aaddan qaabka wax ka beddelka dastuurka.

Sida uu sheegay, mas’uuliyiintii hore iyo siyaasiyiin kale oo badan ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyinkan ay abuuri karaan xiisad siyaasadeed iyo khilaaf sharci.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale xusay in hab-raaca dib-u-eegista dastuurka uu ka weecday nidaamkii lagu heshiiyay, isagoo sheegay in dastuurka uu yahay heshiis qaran oo u baahan wadatashi ballaaran iyo isku-raac siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu ku baaqay in dalka dib loogu celiyo wadadii heshiiska iyo wada tashiga siyaasadeed, si looga fogaado qalalaase iyo khilaaf hor leh oo saameyn kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo dalka uu wajahayo caqabado badan.

Continue Reading

Somali News

Chairperson of African Union Commission concludes visit to Somalia with urgent appeal for international support

Published

on

By

Mogadishu, 25 March 2025 – The Chairperson of the African Union Commission (AUC), H.E. Mahmoud Ali Youssouf, has concluded a historic two-day visit to Somalia, his first official visit to the country since taking office.  

During his visit, the Chairperson made an urgent appeal to the international community, highlighting critical funding shortfalls for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) and called for renewed commitment to the country’s peace and stabilization efforts. 

Photos credit: AUSSOM Public Information

Continue Reading

Somali News

Stakeholders finalize AUSSOM Force Structure and Deployment Plans in Mogadishu

Published

on

By

Mogadishu, 26 March 2025 – The Peace Support Operations Division (PSOD) of the African Union Commission (AUC), Federal Government of Somalia (FGS) and representatives from AUSSOM Troop and Police Contributing Countries have concluded a four-day technical working session to finalize the capabilities, force composition, and deployment plans of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). 

The workshop, an important step toward the closure and liquidation of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and the startup for AUSSOM, which becomes fully operational by 1 July 2025, was a follow-on session from the Somalia Operations Coordination Committee (SOCC) meeting which took place in February 2025 in Addis Ababa, Ethiopia, with Chiefs of Defense Forces, Inspectors General of Police, and Ministers of Defence and Security from both Troop and Police Contributing Countries (T/PCCs) to define the operational roadmap for AUSSOM. 

Continue Reading

Community Resource

OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY

Published

on

By

Minnesota –

Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.

Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?

Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.

Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.

Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.

Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.

Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.

MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?

Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.

Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.

Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:

1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.

2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.

SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?

Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.

SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?

Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.

MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?

• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.

• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.

• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.

Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:

https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html

HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414

AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.

Continue Reading

Trending