Arts & Culture

Munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota

Published

on

MINNESOTA – Waxaa magaaladda Minneapolis si habsami leh uga socda qabanqaabadda munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota. Munaasabadan oo sannadka la qabanayo labo maalmood oo isku xiga Sabti October 21, iyo Axad October 22, 2023 ayaa lagu qabanayaa magaaladda Burnsville ee gobolka Minnesota.

Madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota ayaa sannad walba qabta munaasab balaaran oo lagu soo bandhigo sooyalka taariikhda Soomaalida, agabka iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Sidoo kale munaasabaddan ayaa abaal-marin lagu gudoonsiinayaa qaar kamid ah haldoorka bulshadda.

Waxaad akhbaar dheeraad ah oo ay kamid yihiin tigidhadda lagu galayo munaasabadda aad ka heli kartaa bogga madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota : http://www.somalimuseum.org/10th-anniversary.html

Trending

Exit mobile version