Local News
Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada London

Magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska ayaa caawa waxaa ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac dhowr qof ah ka dib markii nin ku hubaysnaa toorey uu weerar ku qaaday dad marayay buundada magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska iyadoo markii dambe booliiska ay toogteen ninkii weerarka ka dambeeyay sida wararka ay sbeegayaan.
Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ninka tooreyda watay uu la dhacay dhoor qof oo buundada marayay waxaa uu sidoo kale ninka xirnaa suun macmal ah oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay weerarka ka dhacay magaalada London waxaa sidoo kale ku dhaawwacmay shan qof oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada London.
Weerarka ka dhacay buundada magaalada London ayaa sababay in la xiro Xarunta tareenada ee ku taala agagaarka buundada London waxaa sidoo kale dadka ku dhaqan London loogu baaqay in ay isdejiyaan oo taxadir muujiyaan.
Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagaxisada ayaa wada baaritaan ku aadan weerarkan ka dhacay buundada magaalada London lamana oga ilaa hadda ujeedka weerarka iyo waliba ninka fuliyay wuxuu ahaa.
Sawiro laga soo qaaday Ciidamada booliska oo howlgal ku jira ayaa muujinaya inay baadi goob ugu jiraan shaqsiyaad kale oo laga baqdinqabo inay fuliyaan falkan caawa ka dhacay Buundada Magaalada London mid lamid ah ama ka xun kii caawa dhacay.




Local News
Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud

Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.

Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.
Xigashadda sawiradda: Xidig TV
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof

SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.

Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO

MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
-
Local News8 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News4 months ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Community5 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News4 months ago
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda
-
Local News8 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Health3 months ago
E. coli O157 infections linked to consumption of burgers from Twin Cities restaurants
-
Videos4 months ago
Contracting: Mastering the Basics and Beyond – Nov 13th
-
Local News6 months ago
BCA Identifies man shot by Minneapolis police after firing AK-47 in Minneapolis apartment building