Local News
Abwaan Siciid Saalax oo helay filim ka lumay 34 sanno ka hor
Waxay maalintii Khamiista December 26, 2019 Siciid Saalax iyo Soomaalidaba u ahayd maalin farxad leh. Agaasime, professor, macalin, abwaan Siciid Axmed Saalax ayaa helay filimkii uu isagu sameeyay, maamulaha ka ahaa, soo saarahana ka ahaa ee la magac baxay “A Somali Dervish” ee la sameeyay sannadkii 1984. Filimkan oo la’laa 34 sanno, Siciid Saalax ayaa baadi-goob ugu jiray mudadaas 34 sanno ah, intaasna ku raad joogay.
Haddaba filimkan laga sameeyay Sayid Maxamed Cabdulle iyo Daraawiishtii ayaa lumay oo la waayey sannadkii 1985, filimkan ayaa markii ugu dambeysay lagu ogaa Abu Dhabi. Agaasimaha iyo soo saaraha filimka Abwaan Siciid Saalax ayaa isagu raadinayey sidii uu ku heli lahaa filimka mudo 34 sanno ah.
Filimkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu sameeyo Siciid Saalax oo isagu filimada iyo hal-abuurka uu sameeyay aan halkan tiro ahaan lagu soo koobi Karin. Abwaan Siciid Saalax ayaa yiri, “Ma hayo ereyo muujinaya farxaddayda iyo qiirada farxada leh ee ka dhalatay markii aan helay filimkan oo aan in badan raadinayey. Waxay la mid tahay farxada iyo dareenka aad dareemi lahayd marka aad hesho heli cunugg kaa lumay sannado badan ka dib”.
Filimkan oo 4 saacadood iyo 40 daqiiqo socda ama filim ahaan uu dherarkiisu yahay, ayaa lagu wada-hadallayaa 7 luqadood oo ay ku jiraan Soomaali, Carabi, Talyaani, Ingiriis iyo Hindi.
Sidoo kale Filimka dadka jilaya ama ka dhex muuqanaya ayaa waxaa ka mid ah dad ah farcankii saxda ahaa ee Maxamed C / llaahi Xasan (Sayidka). Waxaa kale oo filinka lagu soo bandhigay waraysiyo dhowr ah oo laga qaaday qaar kamid ah dadkii ka qaybqaatay kacdoonka uu Sayidku hormuudka iyo hogaamiyaha u ahaa. Filimkan ayaa lagu tafatiray oo laga hawl geliyey Shaybaadhka ‘Bombay Lab’ ee Mumbai sanadihii 1983-84.
Haddaba helitaanka filimkan ayaa ah mid taariikhi ah iyo weliba guul u soo hooyatay Abwaan Siciid Saalah, Soomaalida iyo qof walba oo taariikhda Soomaaliya jecel. Filimkan ayaa ah dhaxal gal iyo kayd lama huraan u ah taariikhda rasmiga, filim samaynta iyo hal-abuurka dadka Soomaaliyeed ee iyagu Alle hibadda u siiyay in ay sheekooyinka iyo suugaanta Soomaaliyeed filim ahaan ku soo gudbiyaan.
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof
SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.
Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
Local News
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda
MINNEAPOLIS – Duqa magaaladda Jacob Frey ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu mar kale isu soo taago doorashada sannadka soo socda.
“Waxaan isku diyaarinayaa inaan noqdo musharax u tartamaya xilka duqa magaaladda, laakiin weli si rasmi ah uma shaacin,” Frey ayaa qoraal ku sheegay Isniintii.
Jacob Frey ayaa markii u horeysay loo doortay duqa magaaladda sannadkii 2017, isaga oo ka adkaaday Betsy Hodges. Jacob Frey ayaa ahaan jiray Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadda 3-aad ee magaaladda Minneapolis 2014 ilaa 2018 inta uusan noqonin duqa magaaladda.
Xigashadda sawirka: Magaaladda Minneapolis
-
Local News1 month ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Local News4 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Community2 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News4 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Local News2 months ago
BCA Identifies man shot by Minneapolis police after firing AK-47 in Minneapolis apartment building
-
Local News2 weeks ago
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
-
Local News1 week ago
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof
-
Health2 months ago
Attention, Minnesota! Measles Outbreak Alert