Connect with us

Local News

Abdirizak Bihi oo isku soo sharaxay kursigii uu Abdi Warsame Iska Casilay

Published

on

Abdirizak Bihi ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan kursi degmadda 6-aad ee Ward 6. Cabdi Warsame oo hayey kursiga iyo xilka Gudoomiyaha degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis ayaa isagu maanta si rasmi ah iskaga casilay kursiga.

Abdirizak Bihi ayaa kamid hogamiyayaasha Soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis iyo guud ahaanba gobolka Minnesota. Bihi ayaa kamid ah dadka yar ee faro ku tiriska ah ee iyagu si iskaa wax u qabo ah hadh iyo habeen ugu taagan danta iyo u adeegida bulshadda Soomaaliyeed.

Kursiga uu baneeyay Abdi Warsame ayaa waxaa la filayaa in loo qabto doorasho gaar ah, waxaana marba marka ka dambeysa soo kordhaya musharixiinta Soomaalida ah ee iyagu kursiga isku soo sharaxaya.

Weli lama shaacin wakhtiga kursiga banaan ee degmadda 6-aad ee Minneapolis doorasho loo qaban doono. Waxaa laga war sugayaa in duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey uu mar dhow ku dhawaaqo go’aan la xiriira doorashadda kursigan.

Continue Reading

Local News

Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud

Published

on

By

Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.

Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.

Xigashadda sawiradda: Xidig TV

Continue Reading

Local News

Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof

Published

on

By

SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.

Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.

Continue Reading

Local News

NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.

Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.

Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.

Continue Reading

Trending