Local News
Duqa magaaladda Minneapolis oo qasab ka dhigay xirashada maaskarada
![](https://tusmotimes.com/wp-content/uploads/2020/05/frey.jpg)
Waxaa dib loo furayaa goobo baddan oo ay kamid yihiin ganacsiyadda, Iskuuladda, Goobaha lagu ciyaaro iyo xafiisyadda dowladda oo xirnaa mudo labo bilood ka baddan ama intii lagu gudo jiray xanibaada guri jooga ah ee gobolka Minnesota.
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa maanta soo rogay sharci cusub oo qasab ka dhigaya in dad weynaha magaalada Minneapolis ay xirtaan maaskarada ama waji-gashiga loogu tallo galay ka hortaga faafinta cudurka.
Sharcigan cusub ee uu soo rogay duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qasab ka dhigaya in qof kasta uu xirto maaskarada marka uu soo galo gudaha goobaha dadweyanaha, dukaamada laga adeegto, iskuuladda, xafiisyadda iyo guud ahaanba goobaha dadweynaha.
Jacob Frey ayaa sheegay in xirashada maaskarada ay ka hortago faafinta cudurka, sidaas daraadeena ay muhiim tahay in la sameeyo wax kasta oo lagu xakamayn karo faafida cudurka coronavirus. Amarkan iyo talaabadan sharci ee uu qaaday duqa magaaladda Minneapolis ayaa ka dhigaysa magaaladda Minneapolis, magaaladdii ugu horeysay ee gobolka Minnesota ee qaada talaabo noocan oo kale ah.
Haddaba waxaa cabsi weyn laga qabaa faafitaanka fayraska Corona oo saameeyay dadka degen magaaladda Minneapolis, gobolka Minnesota iyo dalal badan oo adduunka ka mid ah. Maadaama oo dib loo furayo dhamaan meelihii xirnaa, dadkana loo ogolaaday in ay dib ugu noqon karaan qaab nololeedkii hore intii uuna cudurka Coronavirus-ku bilaabanin, ayaa dad baddani ay isweydiinayaan su’aalo muhiim ah sida: sideen uga hor tagi karaa cudurka? Sideen uga difaaci karnaa nafteena, maxaan samayn karaa si aanan u faafin cudurka?
Cudurka fayraska corona ayaa laga helay 18,200 qof gobolka Minnesota, waxaa maanta oo keli ah cudurka laga helay 539 qof, halka ay maanta cudurka u dhinteen 32 qof. Dhimashadda maanta ee ah 32-qof ayaa noqonaysa tiradii iyo dhimashaddii ugu badnayd gobolka Minnesota ilaa iyo intii uu cudurkani bilowday.
Local News
Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud
![](https://tusmotimes.com/wp-content/uploads/2024/12/468838298_1120762570053922_1383570566877296952_n.jpg)
Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.
![](https://tusmotimes.com/wp-content/uploads/2024/12/468840133_1120762853387227_4285438525914423951_n-1024x735.jpg)
Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.
Xigashadda sawiradda: Xidig TV
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof
![](https://tusmotimes.com/wp-content/uploads/2024/11/Dayn-St-Paul.webp)
SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.
![](https://tusmotimes.com/wp-content/uploads/2024/10/72890somali-1024x127.jpg)
Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO
![](https://tusmotimes.com/wp-content/uploads/2024/11/Derrick-thompson.jpg)
MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
-
Local News7 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News4 months ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Community4 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News7 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Local News3 months ago
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda
-
Health3 months ago
E. coli O157 infections linked to consumption of burgers from Twin Cities restaurants
-
Local News5 months ago
BCA Identifies man shot by Minneapolis police after firing AK-47 in Minneapolis apartment building
-
Videos4 months ago
Contracting: Mastering the Basics and Beyond – Nov 13th