Local News
Hogaamiyihii naxariista darnaa ee ISIS oo la dilay

Howlgal culus oo ka dhacay dalka syria ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in duqeyn xagga cirka ah lagu dilay hogaamiyihii mayalka adkaa ee kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ama ISIS ee intabadan ka dagaalama wadamada Islaamka.
Habeenkii sabtida ee Taariikhda ku beegnayd 26 October ee 2019-ka ayaa waxaa waqooyiga dalka Syria lagu dilay hogaamiyihii naxariista darnaa ee kooxda labaxday Khilaafada Islaamka ama ISIS Abuu Bakar Al baqdaadi ka dib markii Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee dalka Maraykanka oo watay diyaarado ay ku duqeeyeen waqooyiga dalkaasi.
Hogaamiyahaasi ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Maraykanka ay ka warheleen meesha runta ah ee uu kaga sugnaa dalka Syria ka dibna toos ubartilmaam-saday Kayntii in muddo ah uu ku dhuumaalaysanayay Al baqdaadi ka dibna gantaal lala helay Abuu Bakar Al baqdaadi dhaawac culus ka soo gaaray weerarkaasi ka dibna uu ku cararay god weyn oo horay udiyaarsaday.
Ciidamada maraykanka oo ka harin beegsiga dhaawaca baqa cararka ah Al baqdaadi ayaa daba dhigtay ka dibna waxaa la sheegay inuu galay god weyn xili uu watay laba caruur ah ka dibna uu qarxiyay Jaakad weyn oo uu xirnaa kuna diyaarsaday waxyaabaha qarxa,iyadoo Al baqdaadi jirkiisa xubin xubin u googo,ay asaga iyo caruurtii uu watay sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Taliska Maraykanka ee ka howlgalka ka fuliyay dalka Syria.
Dowladda maraykanka ayaa sanado badan ku raad joogtay hogaamiyahan naxariista lahayn ee ISIS Madaxda u ahaa iyadoo hadda sanado dheer oo ay ku raad joogeen Maraykanka Abuu Bakar Al baqdaadi soo afjaray habeenkii Sabtida sida warbixintan maanta bogga hore ee CNN-ka lagu daabacay.


Abuu Bakar Al baqdaadi iyo kooxdiisa ayaa waxay ku soo caan baxeen dilalkii arxandarada ahaa ee dadka u gaysanjireen kaas oo ahaa shaqsiyaadka gacantooda soo gala intii gacmaha iyo indhaha ka xira ka dibna iyagoo nool ka tuurijiray dabaqyada dhaadheer sidoo kale ku ridijiray Badda meelaha Yaxaasyada ku badan yihiin.
Waxaa kaloo ay ku samayn jireen dadka ay qabtaan in 10-kii qofba intii isku xiraan xabado la dhicijiray sidoo kale nolosha ku gubijiray.
Dowladda Maraykanka ayaa dhowr jeer sheegtay inay dishay hogaamiyaan laakiin sanad ka dib markii muuqaal uu iska soo duubay Abuu Bakar Al baqadaadi soo bandhigeen kooxda ISIS ay beentowday warbixintii Maraykanka hasa ahaatee hadda dowladda maraykanka waxay ku faantay oo sheegtay dilka Abuu Bakar Al baqadaadi inuu dhab yahay lana hubo oo mardambe dunida lagu arki doonin ka dib markii dhan walba ay ka xaqiijiyeen dilkiisa sida lagu sheegay wararkii isdabajooga ahaa ee marba ka soo baxayay wasaaradda Difaaca Maraykanka ee lagu soo daabacayay Television laga leeyahay dalka Maraykanka ee CNN-ka.
Local News
Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud

Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.

Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.
Xigashadda sawiradda: Xidig TV
Local News
Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof

SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.
Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.

Local News
NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO

MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.
Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.
Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.
-
Local News8 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News5 months ago
Celebrating Community: The Inaugural Samafal Gala at the Minnesota Somali Community Center
-
Community5 months ago
Youth Leader and Mentor: Mohamed Jama’s Fight for Change in Whittier
-
Local News4 months ago
Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa qorsheynaya inuu mar kale isu soo taago doorashada Duqa Magaaladda
-
Health4 months ago
E. coli O157 infections linked to consumption of burgers from Twin Cities restaurants
-
Local News8 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Videos5 months ago
Contracting: Mastering the Basics and Beyond – Nov 13th
-
Health5 months ago
Effects of Tobacco on Mental Health